U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

taasi waa xidid dartiiye Salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo Salaada tuko

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المؤمنين رضي الله عنها أَنَّ فَاطِمَةَ بِنْتَ أَبِي حُبَيْشٍ سَأَلَتِ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَتْ: إِنِّي أُسْتَحَاضُ فَلاَ أَطْهُرُ، أَفَأَدَعُ الصَّلاَةَ؟ فَقَالَ: «لَا، إِنَّ ذَلِكِ عِرْقٌ، وَلَكِنْ دَعِي الصَّلاَةَ قَدْرَ الأَيَّامِ الَّتِي كُنْتِ تَحِيضِينَ فِيهَا، ثُمَّ اغْتَسِلِي وَصَلِّي».
Caa'isha, mu'uminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inay tiri: Faadumo Bintu Abii Xubaysh ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee su'aal waydiisay waxayna tiri: Anigu dhiig furan baan leehay oo daahir ma noqdo ee Salaada ma ka tagaa? wuxuu yiri: "maya, taasi waa xidid dartiiye Salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo Salaada tuko."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Faadumo Bintu Xubaysh Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiisay oo tiri: aniga dhiigu igama joogsado oo wuxuu iga socdaa waqti dhaafsan mudadii dhiiga caadadu iga socon jiray, ee xugunkiisu ma yahay xugunka dhiiga xaydka oo Salaada ma joojiyaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa dhiig istaxaado ah waana dhiig jiro ah wuxuuna ka soo baxaa xidid Raximka ku jira ee ma aha dhiigii caadada. Marka aad gaadho waqtigii aad heli jirtay dhiiga caadada ee bilaha ah intaanu kugu dhicin dhiiga istixaadadu, jooji Salaada, soonka iyo wixii loo diidi jiray mida xaydka qabta. Hadii mudadaas qadarkeedu dhamaado, waxaad noqonaysaa mid xaydka daahir ka noqotay, meesha dhiiga iska dhaq, ka dibna si kaamila uga qubayso xadaska, oo tuko.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajib Dumarku inay ka qubaystaan marka uu ka dhamaado ayaamaha xaydku.
  2. Salaaddu waa ku waajib mida dhiiga istixaadada qabta.
  3. Xaydku: waa: dhiiga dabiici ah oo raximku soo saaro, isagoo soo maraya xubinta taranka ee dumarka qaan gaaray, kaasoo ku dhaca dumarka ayaamo la yaqaan.
  4. Istixaadadu waa: dhiig soconaaya waqti aan ahayn waqtigii dhiiga caadada, kaasoo ka imanaaya qaybta soke ee raximka ee aan ahayn guntiisa hoose.
  5. Farqiga u dhexeeya dhiiga caadada iyo midka istixaadada: dhiiga caadadu waa madow adag oo ur qarmuun, kan istixaadaduna waa casaan khafiif ah oo aan lahayn ur qarmuun.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 72) (325). صحيح مسلم (1/ 262) (333). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص77). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 63). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص40).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Xaydka iyo Nifaaska iyo dhiig shubanka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com