U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadliga Suuradaha iyo Aayaatka

5 xadiis

Ha ka dhigina Guryihiina Qabuur oo kale, Shaydaanku wuu ka cararaa Guriga Suuratul Baqara lagu akhriyee

عن أبي هريرة رضي الله عنه: أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «لَا تَجْعَلُوا بُيُوتَكُمْ مَقَابِرَ، إِنَّ الشَّيْطَانَ يَنْفِرُ مِنَ الْبَيْتِ الَّذِي تُقْرَأُ فِيهِ سُورَةُ الْبَقَرَةِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ha ka dhigina Guryihiina Qabuur oo kale, Shaydaanku wuu ka cararaa Guriga Suuratul Baqara lagu akhriyee".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Guryaha laga qadiyo Salaada oo ay noqdaan sida Qabuurta aan lagu tukan. Ka dibna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Shaydaanku ka cararo Guriga lagu akhriyo Suurada Baqara.

Faa’iidooyin
  1. Waa Sune in la badiyo cibaadada iyo Salaada Sunaha ah ee Guryaha lagu tukado.
  2. Ma banaana in lagu tukado Qubuurta, waayo waa wax yaabaha keena Shirkiga iyo in dadku ku xad gudbaan Qubuurta, Salaada Janaasada wax ka baxsan lama ogola.
  3. Reebida in Qubuurta lagu tukado wuxuu ka sugnaaday Asxaabtii, sidaa daraadeed Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Guryaha laga dhigo sida Qubuurta aan lagu tukan.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 539) (780). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 240). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 682). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 757). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (4/ 1460).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka akhriya labada Aayadood ee Suurada AlBaqara u dambeeya Habeenka way ku filan yihiin

عن أبي مسعود رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «مَنْ قَرَأَ بِالْآيَتَيْنِ مِنْ آخِرِ سُورَةِ الْبَقَرَةِ فِي لَيْلَةٍ كَفَتَاهُ».
Abii Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya labada Aayadood ee Suurada AlBaqara u dambeeya Habeenka way ku filan yihiin".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka akhriya labada Aayadood ee u dambeeya Suurada Albaqara Habeenkii Ilaahay wuuka kaafiyaa Sharka iyo Dhibaatada, waxaa kaloo la yiri: way ka kaafidaa Salaatul-laylka, waxaa kaloo la yiri: waxay ka kaafidaa adkaarta kale, waxaa kaloo la yiri: waa waxa ugu yar ee ay kaga gudmayso akhrinta Qur'aanka ee Salaatul-laylka, siyaabo kalana waa lagu fasiray, waxaa dhici kara inuu sax yahay dhamaan waxaa lagu fasiray oo dhan oo ay erayadu soo wada galaan.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa kucad fadliga weyn ee ku jira dhamaadka suuratul Baqara, waana hadalkii ilaahay yiri: (آمن الرسول) ilaa dhammaadka Suurada.
  2. Dhamaadka Suurada Albaqara wuxuu ka difaacaa Qofka dhibka, Sharka, Shaydaanka, haduu akhriyo Habeenkii.
  3. Habeenku wuxuu ka bilawdaa dhicida Qoraxda, wuxuuna ku dhamaadaa soo bixitaanka Fajarka.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 188) (5008-5009). صحيح مسلم (1/ 554) (807). فتح الباري بشرح صحيح البخاري، لابن حجر (9/ 56). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 240). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص593). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لملا علي القاري (4/ 1465). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 757).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey)

عَنْ ‌أُبَيِّ بْنِ كَعْبٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «يَا أَبَا الْمُنْذِرِ، أَتَدْرِي أَيُّ آيَةٍ مِنْ كِتَابِ اللهِ مَعَكَ أَعْظَمُ؟» قَالَ: قُلْتُ: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ. قَالَ: «يَا أَبَا الْمُنْذِرِ، أَتَدْرِي أَيُّ آيَةٍ مِنْ كِتَابِ اللهِ مَعَكَ أَعْظَمُ؟» قَالَ: قُلْتُ: {اللهُ لا إِلَهَ إِلا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ} [البقرة: 255]. قَالَ: فَضَرَبَ فِي صَدْرِي، وَقَالَ: «وَاللهِ لِيَهْنِكَ الْعِلْمُ، أَبَا الْمُنْذِرِ».
Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayda ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. wuxuu yiri: (Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey).
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Ubaya Binu Kacab Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay, jawaabtii wuu ka laalaabtay ka dibna wuxuu yiri: waa Aayatul-kursiga: {الله لا إله إلا هو الحيّ القيّوم }, Nabiguna wuu ku ayiday, wuxuuna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku dhuftay Laabtiisa isago u ishaaraya inay ka buuxdo cilmi iyo xikmad, wuxuuna ugu duceeyey inuu ku liibaano cilmigaan Ilaahayna u fududeeyo.

Faa’iidooyin
  1. waa sifo wayn oo fiican oo loo qiray Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali noqdee.
  2. Ayatul Kursigu waa Aayada ugu weyn Kitaabka Ilaahay sareeye, waxaa haboon in la xifdiyo oo lagu tadaburo macnaheeda, laguna camal falo.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 556) (810)، إكمال المعلم (3/178)، الكاشف عن حقائق السنن (5/1644)، المفهم (2/436)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (16/ 394).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu tago Gogoshiisa Habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa Sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}

عَنْ ‌عَائِشَةَ رضي الله عنها: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ إِذَا أَوَى إِلَى فِرَاشِهِ كُلَّ لَيْلَةٍ جَمَعَ كَفَّيْهِ، ثُمَّ نَفَثَ فِيهِمَا فَقَرَأَ فِيهِمَا: {قُلْ هُوَ اللهُ أَحَدٌ}، وَ{قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ}، وَ{قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ}، ثُمَّ يَمْسَحُ بِهِمَا مَا اسْتَطَاعَ مِنْ جَسَدِهِ، يَبْدَأُ بِهِمَا عَلَى رَأْسِهِ وَوَجْهِهِ وَمَا أَقْبَلَ مِنْ جَسَدِهِ، يَفْعَلُ ذَلِكَ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ.
Caa'isha Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu tago Gogoshiisa Habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa Sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}, ka dibna ku masixi jiray inta uu ka gaaro Jirkiisa, isagoo ka bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo inta soo qaabisha Jirkiisa, seddex jeer buu samayn jiray.
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dhaqankiisa waxaa ka mid ahaa markuu tago Gogoshiisa si uu u seexdo wuxuu isku qaban jiray labadiisa Sacab isago kor u qaadaya sida Qofka ducaysanaya si khafiifa ayuu ugu tufi jiray Afkiisa Candhuufo yar, wuxuuna ku akhriyi jiray seddexda suuradood ee:{ قل هو الله أحد } iyo { قل أعوذ بربّ الفلق } iyo قل أعوذ برب النّاس }, ka dibna wuxuu ku masixi jiray labadiisa Sacab inta uu gaaro ee Jirkiisa ah, isagoo ku bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo soo jeedkiisa, wuuna ku celcelin jiray ficilkaa seddex jeer.

Faa’iidooyin
  1. Waa suno akhrinta suuradaha saddexda ah ee: Alikhlaas iyo labada qul acuudu intaan la seexan iyo in lagu tufo gacmaha, jirkana inta laga gaaro lagu masoxo.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 190) (5017)، (7/ 133) (5748)، الكاشف عن حقائق السُّنن (5/1651)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (20/ 35)، التوضيح لشرح الجامع الصحيح ( 24/ 91)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص 929)، شرح سنن أبي داود لابن رسلان (19/268).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay sareeye wuxuu yiri: Salaada waxaan u kala qaybiyey aniga iyo Adoonkayga laba nus, Adoonkayguna wuxuu i waydiistuu

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عنه سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ: «قَالَ اللهُ تَعَالَى: قَسَمْتُ الصَّلَاةَ بَيْنِي وَبَيْنَ عَبْدِي نِصْفَيْنِ، وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ، فَإِذَا قَالَ الْعَبْدُ: {الْحَمْدُ لِلهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ}، قَالَ اللهُ تَعَالَى: حَمِدَنِي عَبْدِي، وَإِذَا قَالَ: {الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ}، قَالَ اللهُ تَعَالَى: أَثْنَى عَلَيَّ عَبْدِي، وَإِذَا قَالَ: {مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ}، قَالَ: مَجَّدَنِي عَبْدِي، -وَقَالَ مَرَّةً: فَوَّضَ إِلَيَّ عَبْدِي-، فَإِذَا قَالَ: {إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ}، قَالَ: هَذَا بَيْنِي وَبَيْنَ عَبْدِي وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ، فَإِذَا قَالَ: {اهْدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ، صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلا الضَّالِّينَ}، قَالَ: هَذَا لِعَبْدِي وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Ilaahay sareeye wuxuu yiri: Salaada waxaan u kala qaybiyey aniga iyo Adoonkayga laba nus, Adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, hadii Adoonku dhoho: {mahadi Rabiga caalamiinta ayey u sugnaatay}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: Adoonkaygaa iimahad naqay, haduu dhoho: {Allaha naxariista guud iyo tan gaarka leh}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: Adoonkaygaa i amaanay, haduu dhoho: {Allaha iska leh amarka Maalinta Qiyaamaha}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: Adoonkaygaa i sharfay,- marna wuxuu oran: Adoonkaygaa taladiisa ii dhiibtay-, haduu dhoho: {kaligaa ayaan caabudaynaa, oo kaligaa ayaan kaalmaysanaynaa }, Ilaahay sareeye wuxuu oran: taasi Aniga iyo adoonkaygay noo dhaxaysaa, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, haduu dhoho: {nagu hanuuni jidka toosan, jidka kuwii aad u nicmaysay, hanana marin jidka kuwa aad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay}, wuxuu Ilaahay sareeye oran: taasi Aniga iyo Adoonkayga ayey naga dhaxaysaa, Adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay sareeye ku yiri Xadiis Alqudsiga: suurada faatixada ee salaada lagu akhriyo waxaan u kala qaybiyey aniga iyo Adoonkayga labo nus, nus anigaa leh, nusna isagaa leh Nuskeeda koobaad: waa mahad naq, amaan iyo Ilaahay oo la sharfo, Adoonkayga waxan ku abaal marin abaal marinta ugu khayr badan. Nuskeeda labaad: waa is bihin bihin iyo baryo, waan ka ajiibin wuxuu i waydiistona waan siin. Haduu dhoho qofka tukanaaya:{mahad oo shan waxay u sugnaatay Rabiga Caalamka }, Ilaahay wuxuu oran: wuu ii mahadnaqay adoonkaygu, haduu dhoho: {Allaha naxariista guud iyo tan gaarka ah leh}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i amaanay adoonkaygu, waana i waynayey uuna ii qiray nicmooyinka aan ku galadaystay khalqigayga, haduu dhoho: {Allaha iska leh amarka maalinta qiyaamaha}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i sharfay adoonkaygu, waana sharaf balaaran. Haduu dhoho: {Alahayow, Adaan ku caabudaynaa oo ku kaalmaysanaynaa}, Ilaahay wuxuu oran: taasi waxay u dhaxaysa aniga iyo adoonkayga. Nuska koowaad ee aayadu Ilaahay ayaa leh waana:(Adaan ku caabudaynaa), waana qirid Ilaahay loo qirayo Ilaahnimadiisa, iyo inuu ka ajiibay adoonka cibaadada, halkaasayna ku egtahay nuska Ilaahay leeyahay. Nuska labaad ee aayada, ee adoonku leeyhay: (Adiga oo kaliya ayaan ku kaalmaysanaynaa), waana Ilaahay oo gargaar la waydiisto, iyo Ilaahay oo u balan qaaday inuu kaalmaynayo. Haduu dhoho: {nagu hanuuni jidka toosan *, jidka ay mareen kuwaad u nicmaysay, ee aan ahayn kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay, Ilaahay wuxuu oran: taasi waa is bihin bihin iyo baryo adoonkayga ka timid, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, waana ka ajiibay baryadiisa.

Faa’iidooyin
  1. Faatixada xaalkeedu waa wayn yahay Ilaahay wuxuu ku magacaabay (salaad).
  2. Waxaa ku cad xadiiska in Ilaahay daryeelay adoonkiisa, amaanta Ilaahay uu amaanay adoonka wuxuu sabab uga dhigay in adoonku Ilaahay ku xamdiyey, amaanay, sharfay iyo inuu u balan qaadey inuu siinayo wuxuu waydiisto.
  3. Suuradaan wayn waxay koobtay, Ilaahay mahadiisa, xuska qiyaamaha, baryada Ilaahay, in loo khaalis yeelo Ilaahay cibaadada, Ilaahay oo la waydiisto inuu ku hanuuniyo jidka toosan, iyo in laga digtoonaado jidka baadilka.
  4. Qofka tukanaaya waa inuu dareemo xadiiskan -markuu faatixada akhrinaayo-waxaa kordhaya inuu salaada ku khushuuco.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 296) (395)، إكمال المعلم (2/275)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 27)، شرح النووي على مسلم (4/103)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 232) (9/ 253).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com