Qofka akhriya labada Aayadood ee Suurada AlBaqara u dambeeya Habeenka way ku filan yihiin
عن أبي مسعود رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «مَنْ قَرَأَ بِالْآيَتَيْنِ مِنْ آخِرِ سُورَةِ الْبَقَرَةِ فِي لَيْلَةٍ كَفَتَاهُ».
Abii Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya labada Aayadood ee Suurada AlBaqara u dambeeya Habeenka way ku filan yihiin".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka akhriya labada Aayadood ee u dambeeya Suurada Albaqara Habeenkii Ilaahay wuuka kaafiyaa Sharka iyo Dhibaatada, waxaa kaloo la yiri: way ka kaafidaa Salaatul-laylka, waxaa kaloo la yiri: waxay ka kaafidaa adkaarta kale, waxaa kaloo la yiri: waa waxa ugu yar ee ay kaga gudmayso akhrinta Qur'aanka ee Salaatul-laylka, siyaabo kalana waa lagu fasiray, waxaa dhici kara inuu sax yahay dhamaan waxaa lagu fasiray oo dhan oo ay erayadu soo wada galaan.
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa kucad fadliga weyn ee ku jira dhamaadka suuratul Baqara, waana hadalkii ilaahay yiri: (آمن الرسول) ilaa dhammaadka Suurada.
Habeenku wuxuu ka bilawdaa dhicida Qoraxda, wuxuuna ku dhamaadaa soo bixitaanka Fajarka.
Tixraac
صحيح البخاري (6/ 188) (5008-5009).
صحيح مسلم (1/ 554) (807).
فتح الباري بشرح صحيح البخاري، لابن حجر (9/ 56).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 240).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص593).
مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لملا علي القاري (4/ 1465).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 757).