Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay sareeye ku yiri Xadiis Alqudsiga: suurada faatixada ee salaada lagu akhriyo waxaan u kala qaybiyey aniga iyo Adoonkayga labo nus, nus anigaa leh, nusna isagaa leh Nuskeeda koobaad: waa mahad naq, amaan iyo Ilaahay oo la sharfo, Adoonkayga waxan ku abaal marin abaal marinta ugu khayr badan. Nuskeeda labaad: waa is bihin bihin iyo baryo, waan ka ajiibin wuxuu i waydiistona waan siin. Haduu dhoho qofka tukanaaya:{mahad oo shan waxay u sugnaatay Rabiga Caalamka }, Ilaahay wuxuu oran: wuu ii mahadnaqay adoonkaygu, haduu dhoho: {Allaha naxariista guud iyo tan gaarka ah leh}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i amaanay adoonkaygu, waana i waynayey uuna ii qiray nicmooyinka aan ku galadaystay khalqigayga, haduu dhoho: {Allaha iska leh amarka maalinta qiyaamaha}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i sharfay adoonkaygu, waana sharaf balaaran. Haduu dhoho: {Alahayow, Adaan ku caabudaynaa oo ku kaalmaysanaynaa}, Ilaahay wuxuu oran: taasi waxay u dhaxaysa aniga iyo adoonkayga. Nuska koowaad ee aayadu Ilaahay ayaa leh waana:(Adaan ku caabudaynaa), waana qirid Ilaahay loo qirayo Ilaahnimadiisa, iyo inuu ka ajiibay adoonka cibaadada, halkaasayna ku egtahay nuska Ilaahay leeyahay. Nuska labaad ee aayada, ee adoonku leeyhay: (Adiga oo kaliya ayaan ku kaalmaysanaynaa), waana Ilaahay oo gargaar la waydiisto, iyo Ilaahay oo u balan qaaday inuu kaalmaynayo. Haduu dhoho: {nagu hanuuni jidka toosan *, jidka ay mareen kuwaad u nicmaysay, ee aan ahayn kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay, Ilaahay wuxuu oran: taasi waa is bihin bihin iyo baryo adoonkayga ka timid, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, waana ka ajiibay baryadiisa.
- Faatixada xaalkeedu waa wayn yahay Ilaahay wuxuu ku magacaabay (salaad).
- Waxaa ku cad xadiiska in Ilaahay daryeelay adoonkiisa, amaanta Ilaahay uu amaanay adoonka wuxuu sabab uga dhigay in adoonku Ilaahay ku xamdiyey, amaanay, sharfay iyo inuu u balan qaadey inuu siinayo wuxuu waydiisto.
- Suuradaan wayn waxay koobtay, Ilaahay mahadiisa, xuska qiyaamaha, baryada Ilaahay, in loo khaalis yeelo Ilaahay cibaadada, Ilaahay oo la waydiisto inuu ku hanuuniyo jidka toosan, iyo in laga digtoonaado jidka baadilka.
- Qofka tukanaaya waa inuu dareemo xadiiskan -markuu faatixada akhrinaayo-waxaa kordhaya inuu salaada ku khushuuco.
صحيح مسلم (1/ 296) (395)، إكمال المعلم (2/275)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 27)، شرح النووي على مسلم (4/103)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 232) (9/ 253).