U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Xumaanta Hawo raaca iyo Shahwaadka

3 xadiis

Ugama tegin gadaashayda fitno Ragga uga daran Dumarka

عن أسامة بن زيد رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «مَا تَرَكْتُ بَعْدِي فِتْنَةً أَضَرَّ عَلَى الرِّجَالِ مِنَ النِّسَاءِ».
Usaama Binu Seyd Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiyee, waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Ugama tegin gadaashayda fitno Ragga uga daran Dumarka".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuusan gadaashiisa uga tegin Ragga itaxaan iyo ibtilo uga daran Dumarka, haday ehelkiisa tahay waxaa dhici kara inuu ku raaco waxay Sharciga ku khilaaftay, haday ajnabi ka tahayna inay is dhex galaan oo uu la khaali noqdo ayaa fasaad uga imaan karaa.

Faa’iidooyin
  1. Qofka Muslimka ah waxaa looga baahan yahay inuu ka digtoonaado fitnada Haweenka, iyo inuu iska oodo meel kasta oo fitno Dumar uga iman karto.
  2. Waxaa la gudboon muuminka inuu Ilaahay cuskado oo isaga jeclaado si uu uga nabad galo fitnooyinka aduunka.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 8) (5096). صحيح مسلم (4/ 2097) (2740). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (373). فتح الباري لابن حجر (9/ 138).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ha u baranina cilmiga si aad ugu faantaan culimada ama ugu la murantaan dadka xun

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رضي الله عنهما أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لَا تَعَلَّمُوا الْعِلْمَ لِتُبَاهُوا بِهِ الْعُلَمَاءَ، وَلَا لِتُمَارُوا بِهِ السُّفَهَاءَ، وَلَا تَخَيَّرُوا بِهِ الْمَجَالِسَ، فَمَنْ فَعَلَ ذَلِكَ، فَالنَّارُ النَّارُ».
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo ِabihiye waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ha u baranina cilmiga si aad ugu faantaan culimada ama ugu la murantaan dadka xun ama in la idinku ixtiraamo, Qofka intaa suubiya Naartuu mudan Naartuu muda".
Waxaa wariyay Ibnu MaajahDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ka digay in cilmiga loo barto in lagu faano ama in culimada lagula tartamo, ama si uu u muujiyo inuu culumo yahay, iyo in lagula murmo wax ma Garadka, iyo in loo barto in la xurmeeyo ama mudnaanta la siiyo. Qofka sidaa sameeya, wuxuu mudanayaa Naarta, waayo cilmiga Ilaahay darti loo barto ayuu u bartay istustus iyo ikhlaas la'aan.

Faa’iidooyin
  1. Naarta ayaa loogu goodiyey Qofka cilmiga u barta faan ama inuu Culimada kula murmo ama in lagu xurmeeyo iyo wixii la mida.
  2. Ahmiyada ay leedahay in ikhlaas loola yimaado niyada Qofkii doonaya inuu cilmi barto ama uu baro.
  3. Niyadu iyadaa aasaas u ah camalka, iyadana Qofka lagu abaal marin.
Tixraac

سنن ابن ماجه (1/ 170) (254)، مرشد ذوي الحجا والحاجة (2/378)، مشارق الأنوار الوهاجة ومطالع الأسرار البهاجة في شرح سنن الإمام ابن ماجه (4/ 482).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

(Ilaahay wuxuu tusaale u keenay jid toosan

عَنْ النَّوَّاسِ بْنِ سَمْعَانَ الْأَنْصَارِيِّ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «ضَرَبَ اللهُ مَثَلًا صِرَاطًا مُسْتَقِيمًا، وَعَلَى جَنْبَتَيْ الصِّرَاطِ سُورَانِ، فِيهِمَا أَبْوَابٌ مُفَتَّحَةٌ، وَعَلَى الْأَبْوَابِ سُتُورٌ مُرْخَاةٌ، وَعَلَى بَابِ الصِّرَاطِ دَاعٍ يَقُولُ: أَيُّهَا النَّاسُ، ادْخُلُوا الصِّرَاطَ جَمِيعًا، وَلَا تَتَعَرَّجُوا، وَدَاعٍ يَدْعُو مِنْ فَوْقِ الصِّرَاطِ، فَإِذَا أَرَادَ يَفْتَحُ شَيْئًا مِنْ تِلْكَ الْأَبْوَابِ، قَالَ: وَيْحَكَ لَا تَفْتَحْهُ، فَإِنَّكَ إِنْ تَفْتَحْهُ تَلِجْهُ، وَالصِّرَاطُ الْإِسْلَامُ، وَالسُّورَانِ: حُدُودُ اللهِ، وَالْأَبْوَابُ الْمُفَتَّحَةُ: مَحَارِمُ اللهِ، وَذَلِكَ الدَّاعِي عَلَى رَأْسِ الصِّرَاطِ: كِتَابُ اللهِ، وَالدَّاعِي مِنِ فَوْقَ الصِّرَاطِ: وَاعِظُ اللهِ فِي قَلْبِ كُلِّ مُسْلِمٍ».
Nawaas Binu Samcaan Alansaari Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: (Ilaahay wuxuu tusaale u keenay jid toosan, labada dhinac ee jidkana ay ka xigaan labo darbi oo ay ku yaalaan albaabo furan oo daahyo ka lushaan, albaabka jidkana waxaa taagan mid dhawaaqaya oo leh: dadow soo gala dhamaantiin jidka, hana ka leexanina, iyo mid kale oo ka dhawaaqaya jidka korkiisa markii uu damco inuu furo mid ka mida albaabadaa, wuxuu oronayaa: waar hooge ha furin, hadaad furto waad galin, jidkaasi waa Islaamka, labada darbina: waa xuduuda Ilaahay, albaabadan furana waa wixii Ilaahay xarimay, kan jidka madaxiisa ka dhawaaqaya waa kitaabka Ilaahay, kan jidka dushiisa ka dhawaaqayana waa waanada Ilaahay ee qofkasta oo muslima qalbigiisa ku jirta).
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay Islaamka tusaale ugu keenay dariiq toosan, ee fidsan oo wax qalqalooca aan lahayn, dariiqaa labadiisa dhinac labo darbi ayaa ah, kuwaasoo xuduudii Ilaahay dhigay ah, waxaa labadaa darbi dhexdooda ah albaabbo furan oo ah xaaraantii uu Ilaahay xarimay, albaabadaasi waxay leeyihiin daahyo qofka jidka marayaa uusan arkayn waxa ku jira, dariiqa bilawgiisa waxaa fadhiya mid u yeeraya dadka oo tilmaamaya oo farayana inay dariiqa ku socdaan oo aysan u leexan dhinacyada, kaasoo ah kitaabka Qur'aanka ah, waxaa jira mid kale oo ka dhawaaqin jidka korkiisa, midka dadka u yeeraya markastoo qofka jidka maraya uu damco inuu inyar ka furo daahyada wuu u diidayaa, wuxuuna oronayaa: war hooge ha furin! hadaad furto waad galin naftaadana kama hayn kartid galidee, kaasina waa waanada Ilaahay ku abuuray qalbiga qof kasta oo muslima.

Faa’iidooyin
  1. Islaamku waa diinta xaqa ah, waana dariiq toosan ee ina gaarsiinaya janada.
  2. Waa waajib in loo hogaansamo xuduuda Ilaahay, iyo wuxuu xalaaleeyey iyo wuxuu xarimayba, hadii la sahlado arinkaasna wuxuu dhaxalsiinayaa halaag.
  3. fadliga Qur'aanka ee wayn iyo isku boorinta ku camal falkiisa, waayo waxaa ku jira hanuun, nuur, iyo liibaan.
  4. Ilaahay oo adoomadiisa u naxariistay iyo wuxuu galiyey quluubta muuminiinta ee ka reebaya oo u waynaynaya ku dhicida wax lagu halaagsamo.
  5. Ilaahay raxmadiisa wuxuu u yeelay adoomada gaashaan ka celiya ku dhicida macaasida.
  6. Qaababka loo adeegsado wax barida waxaa ka mida in tusaale la keeno si macnaha loo soo dhaweeyo oo loo cadeeyo.
Tixraac

سنن الترمذي (4/ 539) (2859)، مسند أحمد (29/ 181، 183) (17634)، جامع العلوم والحكم (2/161)، فيض القدير (4/253)، التنوير شرح الجامع الصغير (7/100)، الفتح الرباني لترتيب مسند الإمام أحمد بن حنبل الشيباني (1/ 83).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com