عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِنَّ الدُّنْيَا حُلْوَةٌ خَضِرَةٌ، وَإِنَّ اللهَ مُسْتَخْلِفُكُمْ فِيهَا، فَيَنْظُرُ كَيْفَ تَعْمَلُونَ، فَاتَّقُوا الدُّنْيَا وَاتَّقُوا النِّسَاءَ، فَإِنَّ أَوَّلَ فِتْنَةِ بَنِي إِسْرَائِيلَ كَانَتْ فِي النِّسَاءِ».
Abii Saciid al Khudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxaad ku samaysaan, Aduunyada iska jira Dumarkana iska jira, fitnadii reer Bani Israa'iil lagu fitneeyey ee ugu horaysay Dumarkay ahayd".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay Aduunyadu dhadhan macaan tahay, aragana cagaar u tahay, dadkuna way ku kadsoomayaan, oo isku sii daynayaan macaankeeda, hamigiisa ugu wayna iyaduu ka dhigayaa. Ilaahayna isagaa nusqaan ka hufane wuxuu inaga yeelay in qaarkeenba qaarka kale uga danbeeyo Aduunyada, si uu Ilaahay u eego waxa aynu samaynayno, inaan isaga adeecayno iyo inaan ku caasiyeyno. Ka dib wuxuu yiri: ka digtoonaada inaad ku sirtoontaan raaxada Aduunyada iyo quruxdeeda, oo ay idin gaarsiiso inaad ka tagtaan wuxuu Ilaahay idin faray, oo aad ku dhacdaan wuxuu idinka reebay. Fitnada Aduunyada ugu weyn ee ay waajibka tahay in laga digtoonaadaa waa fitnada Dumarka, iyadayna ahayd fitnadii ugu horaysey ee reer Bani Israa'iil ay ku dhacaan.
Faa’iidooyin
- Waxaa la isku boorinayaa in la joogteeyo Taqwada, oo aan lagu mashquulin muuqaalada Aduunyada iyo quruxdeeda.
- Waxaa laga digayaa in lagu fitnoobo Dumarka, sida eegistooda iyo in Ragga ajaanibta ka ahi ku dhex jiraan, iyo wixii la mida.
- Fitnada Dumarku waa fitnooyinka ugu waaweyn Aduunyada.
- Waa in la waansamo oo lagu cibroqaato Ummaddihii hore, waayo wixii reer Banii Israa'iil ku dhacay qayrkoodna wuu ku dhici karaa.
- fitnada Dumarku markay xaaska tahay waxay ku kalifi kartaa ninka masruuf aanu awoodin, waxayna ka mashquulin barashada cilmiga, waxayna ku kalifaysaa inuu isku dhabar jabiyo raadinta Aduunyada, haday ajnabi ka tahayna fitnadeedu waa inay damac galiso oo xaqa ka leexiso, markay soo baxaan oo ay Ragga dhex galaan, gaar ahaan hadii aysan asturnayn ee cawradoodu muuqdato, taasina waxay keenaysaa in lagu dhaco Sinada darajooyinkeeda, Muminka waxaa ku haboon inuu Ilaahay magan galo oo jeclaado si uu uga nabad galo finada Dumarka.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2098) (2742).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 146).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 173).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 103).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن خَولة الأنصاريةِ رضي الله عنها قالت: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «إِنَّ رِجَالًا يَتَخَوَّضُونَ فِي مَالِ اللهِ بِغَيْرِ حَقٍّ، فَلَهُمُ النَّارُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ».
Khawla Alansaariya Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, Naar ayey leeyihiin Maalinta Qiyaame."
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dad si xaq daro ah ugu tagri falaan Xoolaha Muslimiinta, ku waasoo xaq daro ku qaadanaaya, waa arimaha Xoolaha guud ahaaneed sida aruurintooda, in laga kasbo meel aan banaanayn iyo in lagu bixiyo meel aan sax ahayn, taas waxaa soo galaya cunida Xoolaha Agoonta, Xoolaha Waqafka ah, iyo Amaanada oo la inkiro iyo in Xoolaha dad waynaha xaqdaro lagu qaato.
Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in abaal marintoodu Naar tahay Maalinta Qiyaame.
Faa’iidooyin
- Xoolaha dadka Gacantooda ku jira waa Maal Ilaahay, oo isagu u dhiibtay, si ay ugu bixiyaan dariiq Sharci ah, kana fogaadaan inay si qaldan u isticmaalaan, dadkoo dhan ayaa loo jeedaa Madaxda iyo qayrkood oo dadka Shacabka ah.
- Sharcigu waa adkeeyey Xoolaha dad waynaha, Qofkii Madax ka noqda wax ka mida Xoolaha dad waynaha Maalinta Qiyaame waa lagu xisaabin meeshuu ka keenay iyo meeshuu ku bixiyey.
- Goodigaas waxaa soo galaya Qofka si qaldan u isticmaala Xoolo ama kuwiis ha noqdeen ama kuwo qayrkiye.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 85) (3118).
فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 372).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 231).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 424).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com