عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَالَ: كَانَ أَكْثَرُ دُعَاءِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «اللَّهُمَّ رَبَّنَا آتِنَا فِي الدُّنْيَا حَسَنَةً، وَفِي الآخِرَةِ حَسَنَةً، وَقِنَا عَذَابَ النَّارِ».
Anas Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Ducada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta Naarta-ee Aakhiro."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa
mid badiya ducada ducooyinka kulmisa, waxaana ka mida: ''Allahayow, Rabiyow Adduunka nagu sii khayr, Aakhirana nagu sii khayr, cadaabta Nartana naga dheeree'', Ducadaasi waxay koobaysaa xasanada Adduunka ee ah risiq wanaagsan oo waasic ah, xaas wanaagsan, ubad indhuhu ku qabawsadaan, raaxo iyo cilmi wax tar leh, camal saalix ah, iyo wixii la mida ee wax yaabaha wanaagsan ee la jecel yahay ah ee mubaaxa ah, xasanada Aakhirana wuu kaga badbaadayaa ciqaabta Qabriga, iyo marka la taagan yahay Maxsharka, iyo inuu helo Raali ahaanta Ilaahay, kuna guulaysito nicmada joogtada ah, iyo Rabiga Raxiimka ah u dhawaantiisa.
Faa’iidooyin
- Waxaa Suno ah in lagu ducaysto ducada kulmisa ducooyinka , iyadoo looga dayanaayo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
- Waxaa ugu kaamilsan in Qofku ducadiisa ku kulmiyo khayrka Aduunyada iyo khayrka Aakhiraba.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 83) (6389).
صحيح مسلم (4/ 2070) (2690).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 578).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 463).
فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 504).
سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 714).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ سَعْدٍ رضي الله عنها قَالَ: جَاءَ أَعْرَابِيٌّ إِلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَالَ: عَلِّمْنِي كَلَامًا أَقُولُهُ، قَالَ: «قُلْ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، اللهُ أَكْبَرُ كَبِيرًا، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ كَثِيرًا، سُبْحَانَ اللهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ، لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ» قَالَ: فَهَؤُلَاءِ لِرَبِّي، فَمَا لِي؟ قَالَ: «قُلْ: اللهُمَّ اغْفِرْ لِي وَارْحَمْنِي وَاهْدِنِي وَارْزُقْنِي».
Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: i bar hadal aan dhoho, wuxuuna ku yiri: "dheh :laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu, Allaahu akbar kabiiran, wal xamdu lillaahi kasiiran, subxaana Allaahi Rabbil caalamiin, laa xawla walaa quwata illaa billaahil-casiisil xakiim" wuxuu yiri -ninkii-: hadalkaani rabbigay ayaa lehe maxaan anigu leehay? wuxuu yiri-Rasuulku-: "waxaad tiraahdaa: Allahuma aqfir lii (Allahayow ii dambi dhaaf), warxamnii (ii naxariiso), wahdinii (i hanuuni), warsuqnii (i irsaaq)".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nin reer Baadiye ah ayaa waydiiyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro wardi uu akhristo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: ''laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu'' wuxuu ku bilaabay shahaadada towxiidka Ilaahay, oo macneheedu yahay: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay wayne ahayn, ''Allaahu akbar kabiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayaa ka wayn wax walba, ''Al-xamdu lilaahi kasiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayey mahad badani u sugnaatay, waxay ugu sugnaatay sifooyinkiisa, ficilladiisa iyo nicmooyinkiisa aan la koobi karin, ''Subxaana Allaah Rabbil-caalamiin'' (Ilaahayga Rabul caamiinka ah ayaa nusqaan oo dhan ka nasahan). Macnaha: Ilaahay wuxuu ka nasahan yahay oo ka dahiran yahay nusqaan oo dhan, ''laa xawla walaa quwata illaa billaah Al-casiisul xakiim'' (xeelad iyo xoog ma laha cidaan ahayn Allaha Casiiska ah oo Xakiimka ah" macnaha: majirto cid xaalad taagan xaalad kale u badali karta in Ilaahay u gargaaro oo waafajiyo mooyee'' ninkii ayaa yiri: Ereyadaan Ilaahay ayey u sugnaadeen waana xuskiisa iyo waynayntiisa, ee maxaan anigu lee yahay oo aan naftayda ugu ducaystaa? Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa: '' Allahayow ii dambi dhaaf'' oo iga tir-tir dambiyada oo iga Astur, ''iina naxariiso'' Adigo i soo gaarsiinaya nafaca iyo masaalixda diineed iyo tan aduunba, ''oo xaqa igu hanuuni'' oo igu hag waxa wanaagsan iyo jidka toosan , '' oo i irsaaq'' maal xalaal ah, caafimaad, kheyr kasta iyo caafiyah.
Faa’iidooyin
- Waxaa lagu boorinayaa dadka Ilaahay oo ay ku xusaan tahliil ( laa ilaaha Ilaa Allaah), takbiir (Allaahu akbar), taxmiida (Al-xamdu llillaah), tasbiix (subxaana Allaah).
- Waxaa sune ah xuska Ilaahay iyo amaantiisa ducada ka hor.
- Waxaa sune ah inuu qofku ku ducaysto ducada ugu wanaagsan, ee saalixiinta laga soo gaaray oo kulminaysa khayrka aduun iyo kan aakhiro, wuuna ku ducaysan karaa qofku wuxuu doono.
- Waxaa qofka ku haboon inuu ku dadaalo barashada waxa anfacaya aduunyada iyo aakhiraba.
- Waxaa lagu boorinayaa -qofka mu'uminka ah- inuu Ilaahay ka baryo dambi dhaaf, naxariis, risiqi, intaasi waxay kulmisay khayrka.
- Nabiga naxariistiisa waxaa ka mida inuu Ummaddisa baro wixii anfacaaya.
- Raxmada ayaa la sheegay maqfirada ka dib si ay u kaamil noqoto daahirnimadu, maqfiradu waa danbiga oo la asturo oo la tirtiro oo qofka naarta laga fogeeyo, Raxmadu waa khayrka oo la gaarsiiyo oo janada la galiyo, taasina waa liibaanta wayn.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2072) (2696).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 498).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 972).
مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (4/ 1606).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com