U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

dheh :laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu, Allaahu akbar kabiiran, wal xamdu lillaahi kasiiran, subxaana Allaahi Rabbil caalamiin, laa xawla walaa quwata illaa billaahil-casiisil xakiim

عَنْ سَعْدٍ رضي الله عنها قَالَ: جَاءَ أَعْرَابِيٌّ إِلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَالَ: عَلِّمْنِي كَلَامًا أَقُولُهُ، قَالَ: «قُلْ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، اللهُ أَكْبَرُ كَبِيرًا، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ كَثِيرًا، سُبْحَانَ اللهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ، لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ» قَالَ: فَهَؤُلَاءِ لِرَبِّي، فَمَا لِي؟ قَالَ: «قُلْ: اللهُمَّ اغْفِرْ لِي وَارْحَمْنِي وَاهْدِنِي وَارْزُقْنِي».
Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: i bar hadal aan dhoho, wuxuuna ku yiri: "dheh :laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu, Allaahu akbar kabiiran, wal xamdu lillaahi kasiiran, subxaana Allaahi Rabbil caalamiin, laa xawla walaa quwata illaa billaahil-casiisil xakiim" wuxuu yiri -ninkii-: hadalkaani rabbigay ayaa lehe maxaan anigu leehay? wuxuu yiri-Rasuulku-: "waxaad tiraahdaa: Allahuma aqfir lii (Allahayow ii dambi dhaaf), warxamnii (ii naxariiso), wahdinii (i hanuuni), warsuqnii (i irsaaq)".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nin reer Baadiye ah ayaa waydiiyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro wardi uu akhristo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: ''laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu'' wuxuu ku bilaabay shahaadada towxiidka Ilaahay, oo macneheedu yahay: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay wayne ahayn, ''Allaahu akbar kabiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayaa ka wayn wax walba, ''Al-xamdu lilaahi kasiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayey mahad badani u sugnaatay, waxay ugu sugnaatay sifooyinkiisa, ficilladiisa iyo nicmooyinkiisa aan la koobi karin, ''Subxaana Allaah Rabbil-caalamiin'' (Ilaahayga Rabul caamiinka ah ayaa nusqaan oo dhan ka nasahan). Macnaha: Ilaahay wuxuu ka nasahan yahay oo ka dahiran yahay nusqaan oo dhan, ''laa xawla walaa quwata illaa billaah Al-casiisul xakiim'' (xeelad iyo xoog ma laha cidaan ahayn Allaha Casiiska ah oo Xakiimka ah" macnaha: majirto cid xaalad taagan xaalad kale u badali karta in Ilaahay u gargaaro oo waafajiyo mooyee'' ninkii ayaa yiri: Ereyadaan Ilaahay ayey u sugnaadeen waana xuskiisa iyo waynayntiisa, ee maxaan anigu lee yahay oo aan naftayda ugu ducaystaa? Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa: '' Allahayow ii dambi dhaaf'' oo iga tir-tir dambiyada oo iga Astur, ''iina naxariiso'' Adigo i soo gaarsiinaya nafaca iyo masaalixda diineed iyo tan aduunba, ''oo xaqa igu hanuuni'' oo igu hag waxa wanaagsan iyo jidka toosan , '' oo i irsaaq'' maal xalaal ah, caafimaad, kheyr kasta iyo caafiyah.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa lagu boorinayaa dadka Ilaahay oo ay ku xusaan tahliil ( laa ilaaha Ilaa Allaah), takbiir (Allaahu akbar), taxmiida (Al-xamdu llillaah), tasbiix (subxaana Allaah).
  2. Waxaa sune ah xuska Ilaahay iyo amaantiisa ducada ka hor.
  3. Waxaa sune ah inuu qofku ku ducaysto ducada ugu wanaagsan, ee saalixiinta laga soo gaaray oo kulminaysa khayrka aduun iyo kan aakhiro, wuuna ku ducaysan karaa qofku wuxuu doono.
  4. Waxaa qofka ku haboon inuu ku dadaalo barashada waxa anfacaya aduunyada iyo aakhiraba.
  5. Waxaa lagu boorinayaa -qofka mu'uminka ah- inuu Ilaahay ka baryo dambi dhaaf, naxariis, risiqi, intaasi waxay kulmisay khayrka.
  6. Nabiga naxariistiisa waxaa ka mida inuu Ummaddisa baro wixii anfacaaya.
  7. Raxmada ayaa la sheegay maqfirada ka dib si ay u kaamil noqoto daahirnimadu, maqfiradu waa danbiga oo la asturo oo la tirtiro oo qofka naarta laga fogeeyo, Raxmadu waa khayrka oo la gaarsiiyo oo janada la galiyo, taasina waa liibaanta wayn.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2072) (2696). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 498). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 972). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (4/ 1606).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Nabiga scw hadyigiisii Dikriga ku saabsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com