عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللهِ رضي الله عنهما أَنَّهُ سَمِعَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِذَا دَخَلَ الرَّجُلُ بَيْتَهُ، فَذَكَرَ اللهَ عِنْدَ دُخُولِهِ وَعِنْدَ طَعَامِهِ، قَالَ الشَّيْطَانُ: لَا مَبِيتَ لَكُمْ، وَلَا عَشَاءَ، وَإِذَا دَخَلَ، فَلَمْ يَذْكُرِ اللهَ عِنْدَ دُخُولِهِ، قَالَ الشَّيْطَانُ: أَدْرَكْتُمُ الْمَبِيتَ، وَإِذَا لَمْ يَذْكُرِ اللهَ عِنْدَ طَعَامِهِ، قَالَ: أَدْرَكْتُمُ الْمَبِيتَ وَالْعَشَاءَ».
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin, haduu soo galo isagoon Ilaahay xusin markuu soo gelaayey, Shaydaanka ayaa oronaya: waxaad soo gaarteen Hoy, haduu Cuntada cuno isagoon Ilaahay Xusina Shaydaanku wuxuu oran: waxaad soo gaarteen Casho iyo Hoy.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in Ilaahay la xuso marka Guriga la gelayo iyo cuntada ka hor, marka Qofku Ilaahay xuso isagoo dhahaya (bismillaah) maarkuu gurigiisa gelayo iyo marka cuntadiisa uu bilaabayo,
shaydaanka ayaa ku dhaha taageerayaal kiisa: hoyaatin iyo casho kuma lihidin Gurigaan ninkii iska lahaa idinka magan gelay dikriga Ilaahay. Hadiise ninku soo galo Gurigiisa oo uusan xusin Ilaahay markuu Guriga galayo iyo markuu cuntada cunaayo shaydaanka ayaa u sheegaya taageerayaalkiisa inay Guriga ku leeyihiin Hoyaatin iyo Cashaba.
Faa’iidooyin
- waxaa Suno ah dikriga Ilaahay marka Guriga la galayo iyo marka cuntada la cunaayo, waayo Shaydaanka ayaa ku hoyda Guryaha dadka degana Cuntadooda cuna hadii aan magaca Ilaahay lagu xusin.
- Shaydaanku korka ayuu kala socdaa oo wuu ilaashadaa camalka Aadanaha iyo wuxuu qabanaayo oo dhan, markuu qaafil ka noqdo xuska Ilaahay ayuu Shaydaanku muraadkiisa ka qabsadaa.
- Xuska Ilaahay Shaydaankuu eryaa.
- Shaydaan walba wuxuu leeyahay taageerayaal iyo sokeeye ku bishaaraysta hadalkiisa, amaradiisana qaata.
Tixraac
صحيح مسلم (3/ 1598) (2018).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 50).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص467).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 190).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 700).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ سَعْدٍ رضي الله عنها قَالَ: جَاءَ أَعْرَابِيٌّ إِلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَالَ: عَلِّمْنِي كَلَامًا أَقُولُهُ، قَالَ: «قُلْ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، اللهُ أَكْبَرُ كَبِيرًا، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ كَثِيرًا، سُبْحَانَ اللهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ، لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ» قَالَ: فَهَؤُلَاءِ لِرَبِّي، فَمَا لِي؟ قَالَ: «قُلْ: اللهُمَّ اغْفِرْ لِي وَارْحَمْنِي وَاهْدِنِي وَارْزُقْنِي».
Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: i bar hadal aan dhoho, wuxuuna ku yiri: "dheh :laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu, Allaahu akbar kabiiran, wal xamdu lillaahi kasiiran, subxaana Allaahi Rabbil caalamiin, laa xawla walaa quwata illaa billaahil-casiisil xakiim" wuxuu yiri -ninkii-: hadalkaani rabbigay ayaa lehe maxaan anigu leehay? wuxuu yiri-Rasuulku-: "waxaad tiraahdaa: Allahuma aqfir lii (Allahayow ii dambi dhaaf), warxamnii (ii naxariiso), wahdinii (i hanuuni), warsuqnii (i irsaaq)".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nin reer Baadiye ah ayaa waydiiyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro wardi uu akhristo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: ''laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu'' wuxuu ku bilaabay shahaadada towxiidka Ilaahay, oo macneheedu yahay: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay wayne ahayn, ''Allaahu akbar kabiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayaa ka wayn wax walba, ''Al-xamdu lilaahi kasiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayey mahad badani u sugnaatay, waxay ugu sugnaatay sifooyinkiisa, ficilladiisa iyo nicmooyinkiisa aan la koobi karin, ''Subxaana Allaah Rabbil-caalamiin'' (Ilaahayga Rabul caamiinka ah ayaa nusqaan oo dhan ka nasahan). Macnaha: Ilaahay wuxuu ka nasahan yahay oo ka dahiran yahay nusqaan oo dhan, ''laa xawla walaa quwata illaa billaah Al-casiisul xakiim'' (xeelad iyo xoog ma laha cidaan ahayn Allaha Casiiska ah oo Xakiimka ah" macnaha: majirto cid xaalad taagan xaalad kale u badali karta in Ilaahay u gargaaro oo waafajiyo mooyee'' ninkii ayaa yiri: Ereyadaan Ilaahay ayey u sugnaadeen waana xuskiisa iyo waynayntiisa, ee maxaan anigu lee yahay oo aan naftayda ugu ducaystaa? Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa: '' Allahayow ii dambi dhaaf'' oo iga tir-tir dambiyada oo iga Astur, ''iina naxariiso'' Adigo i soo gaarsiinaya nafaca iyo masaalixda diineed iyo tan aduunba, ''oo xaqa igu hanuuni'' oo igu hag waxa wanaagsan iyo jidka toosan , '' oo i irsaaq'' maal xalaal ah, caafimaad, kheyr kasta iyo caafiyah.
Faa’iidooyin
- Waxaa lagu boorinayaa dadka Ilaahay oo ay ku xusaan tahliil ( laa ilaaha Ilaa Allaah), takbiir (Allaahu akbar), taxmiida (Al-xamdu llillaah), tasbiix (subxaana Allaah).
- Waxaa sune ah xuska Ilaahay iyo amaantiisa ducada ka hor.
- Waxaa sune ah inuu qofku ku ducaysto ducada ugu wanaagsan, ee saalixiinta laga soo gaaray oo kulminaysa khayrka aduun iyo kan aakhiro, wuuna ku ducaysan karaa qofku wuxuu doono.
- Waxaa qofka ku haboon inuu ku dadaalo barashada waxa anfacaya aduunyada iyo aakhiraba.
- Waxaa lagu boorinayaa -qofka mu'uminka ah- inuu Ilaahay ka baryo dambi dhaaf, naxariis, risiqi, intaasi waxay kulmisay khayrka.
- Nabiga naxariistiisa waxaa ka mida inuu Ummaddisa baro wixii anfacaaya.
- Raxmada ayaa la sheegay maqfirada ka dib si ay u kaamil noqoto daahirnimadu, maqfiradu waa danbiga oo la asturo oo la tirtiro oo qofka naarta laga fogeeyo, Raxmadu waa khayrka oo la gaarsiiyo oo janada la galiyo, taasina waa liibaanta wayn.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2072) (2696).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 498).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 972).
مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (4/ 1606).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com