عن خَوْلَةَ بِنْتَ حَكِيمٍ السُّلَمِيَّةَ قَالتْ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «مَنْ نَزَلَ مَنْزِلًا ثُمَّ قَالَ: أَعُوذُ بِكَلِمَاتِ اللهِ التَّامَّاتِ مِنْ شَرِّ مَا خَلَقَ، لَمْ يَضُرَّهُ شَيْءٌ حَتَّى يَرْتَحِلَ مِنْ مَنْزِلِهِ ذَلِكَ».
khawlat Bintu Xakiim Alsulaymiyah Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Qofka meel dega ee dhaha: acuudu bikalimaati Allaahi taamaati min shari maa khalaqa, lam yaduruhu shayin xataa yartaxil min mansilihi daalik".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku hagayaa ummaddiisa inay magan galaan kan wax tarka leh ee ka difaacaya wax walba ee dadku ka baqayaan markay meel dhulka ka mida degaan, ama safar yahay ama dalxiis iyo wixii la mida, waa inuu magan galaa oo difaac ka dhigtaa kalimaadka Ilaahay ee kaamilka ah fadligooda iyo barakadooda iyo nafacooda iyado aan lahayn ceeb iyo naqsi, uuna ka magan gelaya wixii Ilaahay abuuray ee shar leh, oo makraa uu ka nabad galo wax walba oo dhib leh inta uu degan yahay meshaa.
Faa’iidooyin
- Magan galku waa cibaado, waana in la magan galo Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa.
- Waa banaan tahay in la magan galo hadlaka Ilaahay, waayo waa sifo ka mida sifaadkiisa, waxaa ka duwan in la magan galo makhluuq Ilaahay abuuray oo iyadu shirki ah.
- Fadliga ay leedahay ducadaasi iyo barakadeeda.
- Adkaarta oo xirsi xir laga dhigto waxay sabab u tahay in Adoonka laga ilaaliyo Sharta.
- Waa baadil in la magan galo cid aan Ilaahay ahayn sida Jinka, Saaxiriinta, Dajaaliinta iyo wixii la mida.
- Waxaa Sharci ah in la akhristo ducadaan marka meel magaalo ah la dego ama safar la yahay.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2080) (2708).
مجموع الفتاوى (6/ 230).
القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 253).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص111).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص122).
معجم اللغة العربية المعاصرة، لأحمد مختار (2/ 869).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن عُثْمَانَ بْنَ أَبِي الْعَاصِ رضي الله عنه: أنه أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، إِنَّ الشَّيْطَانَ قَدْ حَالَ بَيْنِي وَبَيْنَ صَلَاتِي وَقِرَاءَتِي يَلْبِسُهَا عَلَيَّ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «ذَاكَ شَيْطَانٌ يُقَالُ لَهُ خِنْزَِبٌ، فَإِذَا أَحْسَسْتَهُ فَتَعَوَّذْ بِاللهِ مِنْهُ، وَاتْفُلْ عَلَى يَسَارِكَ ثَلَاثًا»، قَالَ: فَفَعَلْتُ ذَلِكَ فَأَذْهَبَهُ اللهُ عَنِّي.
Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u yimid oo ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, shaydaan ayaa Salaadii iyo akhrintii iga dhex galay oo iga qasay, Rasuulku wuxuu ku yiri: "kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf", wuxuu yiri: sidaasaan sameeyey Ilaahay ayaana iga kaxeeyey.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahyow, Shaydaan ayaa salaadayda iga dhex galay, wuxuuna ii diiday inaan ku khushuuco, akhriskaygana wuu iga khal-khaliyey, shakina wuu iga galiyey. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa Shaydaan la dhoho: khinsab, haduu kuu yimaado eed dareentid Ilaahay ka hoos gal, oo ka cuwdu bilayso, xaga bidixdaadna seddex jeer candhuuf yar u tuf, Cusmaan ayaa yiri: waxaan sameeyey sidaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii sheegay, Ilaahayna wuu iga kexeeyey.
Faa’iidooyin
- Waa muhiim in Salaada lagu khushuuco qalbigana la soo xaadiriyo, Shaydaankuna wuxuu ku dadaalaa inuu was-waas iyo shaki ku furo Qofka tukanaaya.
- Waa suno in laga cuwdu bilaysto Shaydaanka markuu Salaada was-waas ku furo, iyo in candhuuf seddex jeer loo tufo xaga bidix.
- Xadiiska waxaa ku sugan cadayn in Saxaabadu ahaayeen kuwo u la noqda Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mushkilad kastoo la soo darista, si uu u la xaliyo.
- Saxaabada qalbigoodu wuxuu ahaa mid nool, hamigooduna wuxuu ahaa Aakho kaliya.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 1728) (2203)، إكمال المعلم (7/110)، شرح النّووي على مسلم (14/190)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (36/ 136).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com