U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Faa`iidada Dikriga Ilaahay casa wajala

4 xadiis

Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللهِ رضي الله عنهما أَنَّهُ سَمِعَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِذَا دَخَلَ الرَّجُلُ بَيْتَهُ، فَذَكَرَ اللهَ عِنْدَ دُخُولِهِ وَعِنْدَ طَعَامِهِ، قَالَ الشَّيْطَانُ: لَا مَبِيتَ لَكُمْ، وَلَا عَشَاءَ، وَإِذَا دَخَلَ، فَلَمْ يَذْكُرِ اللهَ عِنْدَ دُخُولِهِ، قَالَ الشَّيْطَانُ: أَدْرَكْتُمُ الْمَبِيتَ، وَإِذَا لَمْ يَذْكُرِ اللهَ عِنْدَ طَعَامِهِ، قَالَ: أَدْرَكْتُمُ الْمَبِيتَ وَالْعَشَاءَ».
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin, haduu soo galo isagoon Ilaahay xusin markuu soo gelaayey, Shaydaanka ayaa oronaya: waxaad soo gaarteen Hoy, haduu Cuntada cuno isagoon Ilaahay Xusina Shaydaanku wuxuu oran: waxaad soo gaarteen Casho iyo Hoy.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in Ilaahay la xuso marka Guriga la gelayo iyo cuntada ka hor, marka Qofku Ilaahay xuso isagoo dhahaya (bismillaah) maarkuu gurigiisa gelayo iyo marka cuntadiisa uu bilaabayo, shaydaanka ayaa ku dhaha taageerayaal kiisa: hoyaatin iyo casho kuma lihidin Gurigaan ninkii iska lahaa idinka magan gelay dikriga Ilaahay. Hadiise ninku soo galo Gurigiisa oo uusan xusin Ilaahay markuu Guriga galayo iyo markuu cuntada cunaayo shaydaanka ayaa u sheegaya taageerayaalkiisa inay Guriga ku leeyihiin Hoyaatin iyo Cashaba.

Faa’iidooyin
  1. waxaa Suno ah dikriga Ilaahay marka Guriga la galayo iyo marka cuntada la cunaayo, waayo Shaydaanka ayaa ku hoyda Guryaha dadka degana Cuntadooda cuna hadii aan magaca Ilaahay lagu xusin.
  2. Shaydaanku korka ayuu kala socdaa oo wuu ilaashadaa camalka Aadanaha iyo wuxuu qabanaayo oo dhan, markuu qaafil ka noqdo xuska Ilaahay ayuu Shaydaanku muraadkiisa ka qabsadaa.
  3. Xuska Ilaahay Shaydaankuu eryaa.
  4. Shaydaan walba wuxuu leeyahay taageerayaal iyo sokeeye ku bishaaraysta hadalkiisa, amaradiisana qaata.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1598) (2018). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 50). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص467). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 190). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 700).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Kuwa mucaqibaatka ah ee aanu khasaarin qofka akhristaa - ama ku camal falaa- salaad walba oo waajib ah gadaasheeda, saddex iyo sodon tasbiix, saddex iyo sodon taxmiid iyo afar iyo sodon takbiir

عَنْ كَعْبِ بْنِ عُجْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «مُعَقِّبَاتٌ لَا يَخِيبُ قَائِلُهُنَّ -أَوْ فَاعِلُهُنَّ- دُبُرَ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ، ثَلَاثٌ وَثَلَاثُونَ تَسْبِيحَةً، وَثَلَاثٌ وَثَلَاثُونَ تَحْمِيدَةً، وَأَرْبَعٌ وَثَلَاثُونَ تَكْبِيرَةً».
Kacab Binu Cujra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Kuwa mucaqibaatka ah ee aanu khasaarin qofka akhristaa - ama ku camal falaa- salaad walba oo waajib ah gadaasheeda, saddex iyo sodon tasbiix, saddex iyo sodon taxmiid iyo afar iyo sodon takbiir".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay adkaar aanu khasaarayn oo uusan ka qoomamayn qofka akhrista, balse uu ka halayo kalimadkaa ajar, oo qaarba qaar ka daba imaanayo, waxaana la akhristaa salaadaha faralka ah gadaashooda, waana sidan: ''subxaana Allaah'' 33 jeer, macnaheeduna waa Ilaahay ayaa ka nasahan oo ka reeban nusqaan walba. ''Alxamdu lillaah'' 33 jeer, macnaheedu waa Ilaahay wuxuu ku tilmaaman yahay kaamilnimo taam ah, iyadoo ay la jirto jeclaantiisa iyo waynayntiisu. ''Allaahu akbar''34 jeer, macnaheedu waa Ilaahay baa ka wayn oo ka cisi iyo sharaf badan wax walba.

Faa’iidooyin
  1. Tasbiixda iyo taxmiida iyo takbiirtu fadli ayey leeyihiin, waana la dhahaa Albaaqiyaat Alsaalixaat.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 418) (596). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 501). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 976). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (2/ 766). تيسير العلام، للبسام (ص227). فيض القدير شرح الجامع الصغير، لزين الدين المناوي (5/ 525).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka

عن أبي مالكٍ الأشعريِّ رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «الطُّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ تَمْلَأُ الْمِيزَانَ، وَسُبْحَانَ اللهِ وَالْحَمْدُ لِلهِ تَمْلَآنِ -أَوْ تَمْلَأُ- مَا بَيْنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ، وَالصَّلَاةُ نُورٌ، وَالصَّدَقَةُ بُرْهَانٌ، وَالصَّبْرُ ضِيَاءٌ، وَالْقُرْآنُ حُجَّةٌ لَكَ أَوْ عَلَيْكَ، كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو، فَبَايِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا».
Abii Maalik Alashcari Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka, Salaaduna waa nuur, Sadaqaduna Qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, Qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu Naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid Naftiisa xoreeya ama halaaga".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dahaarada muuqataa ay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay Salaada. Erayga Alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana amaanta Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, iyo in lagu sifeeyo sifaadka kaamilka ah, Maalinta Qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa Ilaahay oo laga hufo wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kaamilnimo oo dhan, taasoo u qalanta ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaadu nuur ayey u tahay Adoonka Qalbigiisa, Wejigiisa, Qabrigiisa, iyo markuu Maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay Muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay Iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo balan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana Naftoo laga xabiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika Qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka Nafta iyo in loo diido waxay rabto, Qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa in lagu sabro daadcada Ilahay, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Aduunka oo loo adkaysto. Qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafiyaan oo hurdadooda ka toosayaan oo Guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah Qof ku toosan daacada Ilaahay oo Naftiisa Naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo Naftiisa Naar ku halaagaya.

Faa’iidooyin
  1. Dahaaradu waa labo dahaaro: dahaarada muuqata waa weysada iyo qubeyska, dahaarada qarsoona waa towxiidka, Iimaanka iyo camalka saalixa ah.
  2. Muhimad ayey leedahay ilaalinta Salaadu, Adoonka Salaadu waxay u tahay nuur Aduunka iyo Maalinta Qiyaameba.
  3. Sadaqaduna waxay daliil u tahay in Iimaanku run yahay.
  4. Muhimad ayey leedahay ku camal falka qur'aanka iyo rumayntiisu si uu kuugu noqdo xujo, oo aanu kugu noqon xujo.
  5. Nafta hadaanad ku mashquulin daacada Ilaahay macsi ayey kugu mashquulin.
  6. Qof waliba waa hubaal inuu shaqeynaayo, Qofku daacada Ilaahay ayuu Naftiisa ku xorayn, ama macsi ayuu Naftiisa ku halaagin.
  7. Sabirku wuxuu u baahan yahay adkaysin iyo ajar raadin wuxuuna leeyahay mashaqo.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 203) (223)، شرح الأربعين لابن دقيق العيد (ص 84)، شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 231)، الرياض الزكية شرح الأربعين النووية للخضير (ص 293)، فتح القوي المتين في شرح الأربعين للعباد (ص 79)

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado

عَن أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «يَأْتِي الشَّيْطَانُ أَحَدَكُمْ فَيَقُولُ: مَنْ خَلَقَ كَذَا؟ مَنْ خَلَقَ كَذَا؟ حَتَّى يَقُولَ: مَنْ خَلَقَ رَبَّكَ؟ فَإِذَا بَلَغَهُ فَلْيَسْتَعِذْ بِاللهِ وَلْيَنْتَهِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay daawada ugu fiican ee su`aalaha uu ku waswaasiyo sheydaanku Muuminka. Sheydaanku wuxuu oran: yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? yaa abuuray Samada? yaa abuuray Dhulka? Muuminku wuxuu ugu jawaabayaa Diin ahaan, Fidro ahaan iyo Caqli ahaan isagoo dhahaya: Allaah. laakiin Sheydaanku ku joogsanmaayo xadkaas waswaasinta ah balse wuxuu u gudbayaa inuu dhoho: yaa abuuray Rabigaa? Markaas Muuminku wuxuu waswaaskaas isaga joojin karaa seddex arimood: Ilaahay oo uu rumeeyo. Iyo inuu Ilaahay Shaydaanka ka magan galo. Iyo inuu ka joogsado inuu waswaaska sii wado.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in la iska joojiyo waswaaska Sheydaanka iyo waxa nafta ku soo dhacaya oo aan lagu fakarin wax yaabaha waswaaska ah, oo Ilaahay ka magan galo inuu ka joojiyo waswaaskaas.
  2. Wax kasta oo qalbiga dadka ku soo dhaca oo waswaas ah Sharcigana khilaafsan Shaydaan ayuu ka yimid.
  3. Waa la iska reebay in Daatada Ilaahay lagu fekero, waxaana la isku booriyey in Ilaahay khalqigiisa iyo Aayaadkiisa lagu fekero.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 123) (3276)، صحيح مسلم (1/ 120) (134)، إكمال المعلم (1/432)، المفهم (1/345)، فتح الباري (6/ 340)، طرح التثريب (8/163)، بهجة قلوب الأبرار (ص 27).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com