U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Aadaabta Hindhisada iyo Halaaqoodka

2 xadiis

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: كان رسولُ الله صلى الله عليه وسلم إذا عَطَس وضَعَ يَدَه -أو ثوبَهُ- على فيهِ، وخَفَضَ -أو غضَّ- بها صوتَهُ.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa.
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa haduu hindhisayo: marka 1aad: Gacantiisa ama Maradiisa ayuu Afka saari jiray, si aanu uga soo bixin Afkiisa ama Sankiisa wax dadka la fadhiya dhiba. Marka 2aad: Codkiisa ayuu hoos u dhigi jiray oo kor uma qaadi. jirin.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiskaan waxaa ku cad dhaqankii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu u hindhisi jiray iyo in looga daydo arinkaas.
  2. Waa Suno in Afka iyo Sanka la saaro Maro ama Masar iyo wixii la mid ah markuu Qofku hindhisayo, si aanay uga soo bixin wax dhiba Qofka la fadhiya.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan in la rabo in Codka hoos loo dhigo marka la hindhisaayo, waana kaamilnimada aadaabta iyo akhlaaqda wanaagsan.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 375) (5029). سنن الترمذي (4/ 461) (2745). مسند أحمد (15/ 412) 9662). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 440). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص528). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 149). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 678). كنوز رياض الصالحين لمجموعة من الباحثين (11/ 432).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Muslimku xaga uu ku leeyahay Mlimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, Janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «حَقُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ خَمْسٌ: رَدُّ السَّلَامِ، وَعِيَادَةُ الْمَرِيضِ، وَاتِّبَاعُ الْجَنَائِزِ، وَإِجَابَةُ الدَّعْوَةِ، وَتَشْمِيتُ الْعَاطِسِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Muslimku xaga uu ku leeyahay Mlimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, Janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda Muslimku ku leeyahay Walaalkiisa Muslimka ah. Xaqa ugu horeeya waa salaanta oo laga radiyo cidii ku salaanta. Xaqa labaad: waa booqashada Qofka jiran iyo siyaaradiisa. Xaqa seddexaad: waa Janaasada raacideeda laga bilaabo Gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa Qabriga ilaa laga aaso. Xaqa afraad: waa in la ajiibo u yeerida haduu ugu yeero casuumad Guur iyo qayrkeedba. Xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay uu yiraahdo: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan weynida Islaamku inay ka muuqato siduu u adkeeyey xuquuqda u dhaxaysa Muslimiinta iyo xoojinta Walaaltinimada iyo is jacaylka u dhexeeya.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 71) (1240). صحيح مسلم (4/ 1704) (2162). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (4/ 512). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 327). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 253). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 591). بهجة قلوب الأبرار، لابن سعدي (ص81).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com