U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Aadaabta Hadalka iyo Aamuska

4 xadiis

Hadii Qofku Ilaahey darti u jeclaado Walaalkiisa Muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay

عن المِقدام بن معدي كرب رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «إِذَا أَحَبَّ الرَّجُلُ أَخَاهُ فَلْيُخْبِرْهُ أَنَّهُ يُحِبُّهُ».
Miqdaam Binu Macdi Karib Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Hadii Qofku Ilaahey darti u jeclaado Walaalkiisa Muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay".
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i oo kawayn kuwariyey iyo AxmadDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey mid ka mida sababaha xoojinaya xiriirka Muuminiinta iyo is jacaylkooda, taasoo ah hadii Qof jeclaado Walaalki ha u sheego inuu jecel yahay.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga ay leedahay maxabada Ilaahay darti u khaaliska ah, ee aysan ku jirin maslaxad Aduun.
  2. Waa Suno in loo sheego kan Ilaahay darti loo jecel yahay, jacaylka loo qabo, si uu u sii korodho jaceylka iyo isku duubnaantu.
  3. Muuminiinta dhexdooda ee lagu faafiyo is jeclaanta waxay xoojisaa Walaalnimada iimaaniga ah waxayna Bulshada ka ilaalisaa inay kala furato oo kala tagto.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 444) (5124). سنن الترمذي (4/ 199) (2392). السنن الكبرى للنسائي (9/ 87) (9963). مسند أحمد (28/ 408) (17171). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 450). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص258). رياض الصالحين للنووي، (ص138) (383). سلسلة الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها وفوائدها، للألباني (1/ 777). فيض القدير شرح الجامع الصغير، للمناوي (1/ 247). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (6/ 279).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «أَتَدْرُونَ مَا الْغِيبَةُ؟»، قَالُوا: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «ذِكْرُكَ أَخَاكَ بِمَا يَكْرَهُ»، قِيلَ: أَفَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ فِي أَخِي مَا أَقُولُ؟ قَالَ: «إِنْ كَانَ فِيهِ مَا تَقُولُ فَقَدِ اغْتَبْتَهُ، وَإِنْ لَمْ يَكُنْ فِيهِ فَقَدْ بَهَتَّهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,", waxaa lagu yiri: ka waran haduu leeyahay walaalkay waxaan ku sheegay? wuxuu ku yiri: " "haduu leeyahay waxaad, ku sheegtay waad xamatay haduusan lahayn waxaad ku sheegtayna waad hafaryeysay.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqiiqada Xanta la xarimay oo ah: in lagu sheego Qofka Muslimka ee maqan wax uu dhibsaonayo, waxaasi ha ahaadaan Sifooyinkiisa Ilaahay ku abuurkay ama kuwo dhaqankiisa ah sida: Cawar, Khaa'in, Beenaale, iyo wixii la mida, ee ereyo Cay ah, xataa haduu leeyahay Sifadaa lagu sheegay. Hadaanu lahayn waxaa lagu sheegayo taasi wayba ka sii dambi wayn tahay Xanta, oo waaba Beeabuur, dadka lugu been abuuranayo wax aanay ahayn.

Faa’iidooyin
  1. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si fiican ayuu wax u baray, waayo masalada wuxuu u soo jeediyaa sida su`aal oo kale.
  2. Asaxaabtu aadaab fiican ayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee kula dhaqmeen markay yiraahdeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og.
  3. Qofkii la waydiiyo wax uusan aqoon wuxuu oronayaa: Ilaahay ayaa og.
  4. Shareecadu way dar yeeshay Bulshada iyada oo ilaalisay xuquuqda iyo Walaaltinimada u dhexaysa.
  5. Xantu waa xaaraan marka laga reebo xaalado qaarkood oo maslaxo ku jirto, waxaana ka mida: joojinta dulmiga, isaga oo dhibanuhu sheego in la dulmiyay, una sheego cida awooda u leh inay xaqiisa uga qaado, wuxuu dhahaya: hebel baa i dulmiyey, ama waxaas iyo waxaas buu igu sameeyey, waxa kaloo ka mida: talo siinta Qof guur kaala tashaday iyo shuraako ama la darsid iyo wixii la mida.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2001) (2589). فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 378). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 237). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 428).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah

عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «مَا شَيْءٌ أَثْقَلُ فِي مِيزَانِ الْمُؤْمِنِ يَوْمَ القِيَامَةِ مِنْ خُلُقٍ حَسَنٍ، وَإِنَّ اللَّهَ لَيُبْغِضُ الفَاحِشَ البَذِيءَ».
Abii Dardaa-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yiri: "Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah.
Abuu daawuud iyo tirmidi ayaa wariyeyDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Suubanuhu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in camalka ugu culus miisaanka mu'uminka maalinta qiyaamaha uu yahay akhlaaqda wanaagsan, waana waji furnaanta, dhibka oo dadka laga daayo iyo wax fiican oo la bixiyo. Illaahay wuu u caroodaa waxa xun ee gafka ah, hadal iyo ficilba, ee qofka xun kaga dhawaaqo carabkiisa.

Faa’iidooyin
  1. Akhlaaq wanaagu fadli aad u wayn buu leeyahay, waayo wuxuu dhaxalsiiyaa qofka jacaylka Ilaahay, iyo jaceylka addoomadiisa, waana waxa ugu wayn ee miisaanka Aakhiro ugu culayska badan.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 177) (4799). سنن الترمذي (3/ 535) (2002). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، لعبد الله البسام (7/ 487). منحة العلام شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 264). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 673). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص410). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 526).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «المُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ المُسْلِمُونَ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ، وَالمُهَاجِرُ مَنْ هَجَرَ مَا نَهَى اللَّهُ عَنْهُ».
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado- isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Muslimka Islaamnimadiisu kaamilka tahay uu yahay midka Muslimiintu ka nabad galaan Carabkiisa ee aan caayin, oo nacaladin, oo xamanin, oo dadka la dhex qaadin wax dhib ah oo uu ka gaysto carabkiisa. Muslimiintuna ka nabad galaan Gacantiisa oo aan ku xad gudbin, oo aan ku qaadan xoolahooda xaq daro, iyo wixii la mida. Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada waxa uu Ilaahay ka xarimay.

Faa’iidooyin
  1. kaamilnimada Islaamka la ma gaaro in dadka dhibka laga daayo si Maadi ahaana iyo macnawi ahaanaba mooyee.
  2. Carabka iyo Gacanta waxaa si gaara loogu xusay, gafkooda iyo dhibaatadooda oo badan, waayo sharta ugu badan iyagay ka timaadaa.
  3. waxaa la isku boorinayaa in laga tago macaasida oo lagu sugnaado wixii Ilaahay faray.
  4. Muslimiinta waxaa ugu fadli badan Qofkii guta xaqa Ilaahay leeyahay iyo xuquuqda Muslimiinta.
  5. Xadgudubku wuxuu noqon karaa hadal ama ficil.
  6. Hijrada kaamilka ahi waa in laga tago wixii Ilaahay xarimay.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 11) (10). صحيح مسلم (1/ 65) (40). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 236). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 511). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 306).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com