U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Aadaabta Caalimka iyo Arday

2 xadiis

itus camal aan sameeyo oo janada aan ku galo, wuxuu ku yiri -Rasuulku-: Ilaahay ayaad caabudin waxbana la wadaajin maysid cibaadadiisa, salaadaha faralka ahna waad oogin, sakada waajibka ahna waad bixin, ramadaankana waad soomin

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: أَنَّ أَعْرَابِيًّا أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَالَ: دُلَّنِي عَلَى عَمَلٍ إِذَا عَمِلْتُهُ دَخَلْتُ الجَنَّةَ، قَالَ: «تَعْبُدُ اللَّهَ لاَ تُشْرِكُ بِهِ شَيْئًا، وَتُقِيمُ الصَّلاَةَ المَكْتُوبَةَ، وَتُؤَدِّي الزَّكَاةَ المَفْرُوضَةَ، وَتَصُومُ رَمَضَانَ» قَالَ: وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ لاَ أَزِيدُ عَلَى هَذَا، فَلَمَّا وَلَّى قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَنْ سَرَّهُ أَنْ يَنْظُرَ إِلَى رَجُلٍ مِنْ أَهْلِ الجَنَّةِ، فَلْيَنْظُرْ إِلَى هَذَا».
Abii Hureyra-Allaha karaali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer baadiye ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: itus camal aan sameeyo oo janada aan ku galo, wuxuu ku yiri -Rasuulku-: Ilaahay ayaad caabudin waxbana la wadaajin maysid cibaadadiisa, salaadaha faralka ahna waad oogin, sakada waajibka ahna waad bixin, ramadaankana waad soomin", wuxuu yiri-ninkii-:Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee intaa waxba ku darimaayo, markuu dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: "qofka ku farxaya inuu arko nin Ehlu janaha ka mid ah ninkan ha eego."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- si uu ugu sheego camal uu janada ku galo. wuxuu ugu jawaabay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janada oo la galo iyo naartoo laga bad-baado waxay ku xiran tahay arkaanta Islaamka oo la guto, taasoo ah Ilaahay keligi in la caabudo, oo aan cid kale loogu shariig yeelin. Waa inaad gudato salaadaha shanta ah ee Ilaahay adoomadiisa ku waajibiyey habeenkii iyo maalintii. Waa inaad bixisaa sakada xoolaha Ilaahay kugu waajibiyey, oo aad siiso kuwa xaqa u leh. Waa inaad ilaalisaa Bisha Ramadaan soonkeeda waqtigeedana soontaa. Ninkii ayaa yiri Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee camalkaa la faral yeelay ee aan kaa maqlay wax kale oo cibaado ah ku dari maayo, kana nusqaamin maayo. markuu ninkii dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: qofka ay farxad galinayso inuu arko nin Ehlu janado ah ha arko ninkan reer baadiyaha ah.

Faa’iidooyin
  1. Ilaahay oo cibaadada loo kali yeelo waa shayga ugu horeeya ee dacwda Ilaahay laga bilaabo.
  2. Waa in lagu gaabsado in la baro waajibaadka qofka Islaamka ku cusub.
  3. Dacwada Ilaahay ee dadka loogu yeerayo waa in tartiib tartiib dadka loo galiyaa.
  4. Ninku wuxuu ku dadaalay inuu barto arinka Diiniisa.
  5. Qofka muslimka ah haduu ku gaabsado cibaadada waajibka ah wuu liibaanayaa, laakiin taasi kama dhigna inuu fududaystay oo ka hawl yaraysto cibaadada sunaha, waayo sanaha wuxuu buuxiyaa naqsiga faralka ku yimaada.
  6. Cibaadada qaarkeed oo si gaara loo xuso waxay tilmaan u tahay inay muhiim tahay oo la isku boorinaayo, mase aha taasi inaysan cibaado kale waajib ahayn.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 105) (1397). صحيح مسلم (1/ 44) (14). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (15/ 588). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 349). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 861). منار القاري، لحمزة قاسم (3/ 5). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (1/ 82).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuugu sallinaa?

عَنْ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ أَبِي لَيْلَى قَالَ: لَقِيَنِي كَعْبُ بْنُ عُجْرَةَ، فَقَالَ: أَلاَ أُهْدِي لَكَ هَدِيَّةً؟ إِنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَرَجَ عَلَيْنَا، فَقُلْنَا: يَا رَسُولَ اللَّهِ، قَدْ عَلِمْنَا كَيْفَ نُسَلِّمُ عَلَيْكَ، فَكَيْفَ نُصَلِّي عَلَيْكَ؟ قَالَ: «فَقُولُوا: اللَّهُمَّ صَلِّ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ، كَمَا صَلَّيْتَ عَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ، إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ، اللَّهُمَّ بَارِكْ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ، كَمَا بَارَكْتَ عَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ، إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ».
Caburraxmaan Binu Abii Leylaa wuxuu yiri: waxaan la kulmay Kacab Binu Cujrah, wuxuuna igu yiri: hadiyad makusiiyaa? Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuugu sallinaa? wuxuu yiri: "waxaad dhahdaan: Allahayow u naxariiso Maxamad iyo Ehelada Maxamadba, sida aad ugu naxariisatay Ibraahim iyo Ehelada Ibraahim, adigu waxaad tahay Ilaahii mahad badan oo sharaf badane, Allahayow barakee Maxamad iyo Ehelada Maxamad, sida aad u barakaysay Ibraahim iyo Eheladiisa, waxaad tahay Ilaahii mahad badan oo sharaf badane."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Waxay weydiiyeen asaxaabtu Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- qaabka loogu sallinayo isaga? ka dib markay Ataxyaadka ku barteen sida ay u salaamayaan Nabiga scw: ((salaani korkaaga ha ahaato Nabi yahow iyo naxariista Ilaahay iyo barakadiisu...))? Wuxuu u sheegay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- sida loogu sallinayo, iyo macnaheedaba: ((Allahayow u naxariiso Maxamad iyo Ehelada Maxamadba)) macnaheedu waa: Allahayow ku amaan hadal wanaagsan malaa'igtaada agteeda Maxamad iyo kuwa diintiisa raacay iyo mu'uminiinta qaraabadiisa ah. ((sida aad ugu naxariisatay Ehelada Ibraahim)) Sida aad naxariistaada u siisay Ehelada Ibraahim-nabadi korkiisa ha ahaatee-oo ah: Ibraahim, Ismaaciil, Isxaaq, caruurtoodii iyo kuwa raacay ee mu'uminiinta ah, Maxamadna gaarsii galladdaada-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. ((waxaad tahay Ilaah mahad badan oo sharaf badane)) Ilaahow waxaa la mahadiyaa adiga, sifooyinkaaga, iyo ficilkaaga, Ilaahow way balaaran tahay waynaantaadu, boqor tooyadaadu iyo wax bixintaaduba. ((Allahayow barakee Maxamad iyo Eheladiisaba, sida aad u barakaysay Ehelada Ibraahim)) Ilaahayow Nabiga scw sii kheyrka iyo karaamada tan ugu wayn oo u siyaadi una sug.

Faa’iidooyin
  1. Dadkii hore ee salafu saalixa ahaa waxay ahaayeen kuwo isku hibeeya masalooyinka cilmiga ah.
  2. Waa waajib salliga Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in lagu akhriyo ataxiyaadka dambe dhexdiisa.
  3. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu baray asaxaabtiisa sida loo salaamayo iyo sida loogu sallinayo isaga.
  4. Qaabkan aan soo marnay waa qaabka ugu kaamilsan ee Suubbanaha loogu salliyo-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 77) (6357). صحيح مسلم (1/ 305) (406). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص208). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (2/ 270). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 170).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com