Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- si uu ugu sheego camal uu janada ku galo. wuxuu ugu jawaabay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janada oo la galo iyo naartoo laga bad-baado waxay ku xiran tahay arkaanta Islaamka oo la guto, taasoo ah Ilaahay keligi in la caabudo, oo aan cid kale loogu shariig yeelin. Waa inaad gudato salaadaha shanta ah ee Ilaahay adoomadiisa ku waajibiyey habeenkii iyo maalintii. Waa inaad bixisaa sakada xoolaha Ilaahay kugu waajibiyey, oo aad siiso kuwa xaqa u leh. Waa inaad ilaalisaa Bisha Ramadaan soonkeeda waqtigeedana soontaa. Ninkii ayaa yiri Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee camalkaa la faral yeelay ee aan kaa maqlay wax kale oo cibaado ah ku dari maayo, kana nusqaamin maayo. markuu ninkii dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: qofka ay farxad galinayso inuu arko nin Ehlu janado ah ha arko ninkan reer baadiyaha ah.
- Ilaahay oo cibaadada loo kali yeelo waa shayga ugu horeeya ee dacwda Ilaahay laga bilaabo.
- Waa in lagu gaabsado in la baro waajibaadka qofka Islaamka ku cusub.
- Dacwada Ilaahay ee dadka loogu yeerayo waa in tartiib tartiib dadka loo galiyaa.
- Ninku wuxuu ku dadaalay inuu barto arinka Diiniisa.
- Qofka muslimka ah haduu ku gaabsado cibaadada waajibka ah wuu liibaanayaa, laakiin taasi kama dhigna inuu fududaystay oo ka hawl yaraysto cibaadada sunaha, waayo sanaha wuxuu buuxiyaa naqsiga faralka ku yimaada.
- Cibaadada qaarkeed oo si gaara loo xuso waxay tilmaan u tahay inay muhiim tahay oo la isku boorinaayo, mase aha taasi inaysan cibaado kale waajib ahayn.
صحيح البخاري (2/ 105) (1397). صحيح مسلم (1/ 44) (14). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (15/ 588). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 349). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 861). منار القاري، لحمزة قاسم (3/ 5). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (1/ 82).