U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, Qofka dadka wax ku adkeeyana Ilaahay ayaa wax ku adkeeya

عن أبي صِرْمة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ ضَارَّ ضَارَّ اللهُ بِهِ، وَمَنْ شَاقَّ شَقَّ اللهُ عَلَيْهِ».
Abii Sirma Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, Qofka dadka wax ku adkeeyana Ilaahay ayaa wax ku adkeeya ."
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in Muslimka dhib loo gaysto, ama la dhibaateeyo shay arimihiisa ka mida sida Naftiisa, maalkiisa iyo reerkiisa, Qofkii sidaa sameeyana Ilaahay ayaa ka abaal marin kuna ciqaabidoona nooca camalkiisa.

Faa’iidooyin
  1. Waa xaaraan in Muslimka dhib loo gaysto iyo in la dhibaateeyo ee mashaqayo la galiyo.
  2. Ilaahay wuu u aaraa Adoomadiisa.
Tixraac

سنن أبي داود (5/ 477) (3635). سنن الترمذي (3/ 495) (1940). سنن ابن ماجه (3/ 432) (2342). مسند أحمد (25/ 34) (15755). مساوئ الأخلاق، للخرائطي (ص: 274) (583). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (7/ 445). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 396). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 261).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Axkaanta ka wali dhigashada iyo ka bari noqoshada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com