waxuu caddeeyey nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- inuu qofku ka.shabbaho saaxiibkii xagga hab dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa, oo waliba ay saamayso saaxiib nimadu akhlaaqda,hab dhaqanka, sidaa tarteed ayuu ku boorriyey ummaddiisa xulashada saaxiibka fiican,waayo waxuu tusaa saaxiibkii iimaanka iyo hanoonka, hiil xagga khayrka ahna wuu u.ahaadaa saaxiibkii.
- Waxaa lafarayaa dadka inay kala saaxiibaan dadka intooda wanaagsan,waxaana laga nahiyayaa ina shar wadayaasha kuxidh maan ama la saaxiibaan.
- waxaa loo gaar yeelay saaxiibka oo loo sheegi waayey qaraabadiisa waayo saaxiibka adaa dooranaya lkn walaalka iyo qaraabada doorashadooda adigu kaalin kumalihide waa cidduu Alle kula dhaliyo.
- Yeelashada saaxiibka waa in aad looga fikiro.
- Qofku waxuu kuxoojiyaa diintiisa lasocodka mu.uminiinta wanaagsan, waxaana daciifiya ku xidhnaashaha faasidiinta.
سنن أبي داود (7/ 204) (4833). سنن الترمذي (4/ 187) (2378). مسند أحمد (13/ 398) (8028). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 433). تحفة الأحوذي بشرح جامع الترمذي، للمباركفوري (7/ 51). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص250). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (6/ 166). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 341).