Sabīl › Xadiis › Xadiisyo la sharraxay عن أبي هريرة رضي الله عنه أَن النبيَّ صَلّى اللهُ عَلَيْهِ وسَلَّم قَالَ: «الرَّجُلُ عَلَى دِينِ خَلِيلِهِ، فَلْيَنْظُر أَحَدُكُم مَنْ يُخَالِل».
Abuu hurayra-Allaha karraalli ahaadee-waxuu nabiga kawariyey-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu dhahay: ((qofku waa kolba diinta(dhaqanka) saaxiibkii uu kusugan yahay uun,ee ha eego midkiin qofka uu lasaaxiibayo)).
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed Darajo Xadiis Xasan ah
Sharraxaad
waxuu caddeeyey nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- inuu qofku ka.shabbaho saaxiibkii xagga hab dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa, oo waliba ay saamayso saaxiib nimadu akhlaaqda,hab dhaqanka, sidaa tarteed ayuu ku boorriyey ummaddiisa xulashada saaxiibka fiican,waayo waxuu tusaa saaxiibkii iimaanka iyo hanoonka, hiil xagga khayrka ahna wuu u.ahaadaa saaxiibkii.
Faa’iidooyin
Waxaa lafarayaa dadka inay kala saaxiibaan dadka intooda wanaagsan,waxaana laga nahiyayaa ina shar wadayaasha kuxidh maan ama la saaxiibaan.
waxaa loo gaar yeelay saaxiibka oo loo sheegi waayey qaraabadiisa waayo saaxiibka adaa dooranaya lkn walaalka iyo qaraabada doorashadooda adigu kaalin kumalihide waa cidduu Alle kula dhaliyo.
Yeelashada saaxiibka waa in aad looga fikiro.
Qofku waxuu kuxoojiyaa diintiisa lasocodka mu.uminiinta wanaagsan, waxaana daciifiya ku xidhnaashaha faasidiinta. Tixraac
سنن أبي داود (7/ 204) (4833).
سنن الترمذي (4/ 187) (2378).
مسند أحمد (13/ 398) (8028).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 433).
تحفة الأحوذي بشرح جامع الترمذي، للمباركفوري (7/ 51).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص250).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (6/ 166).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 341).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com عن أبي صِرْمة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ ضَارَّ ضَارَّ اللهُ بِهِ، وَمَنْ شَاقَّ شَقَّ اللهُ عَلَيْهِ».
Abii Sirma Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, Qofka dadka wax ku adkeeyana Ilaahay ayaa wax ku adkeeya ."
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo Axmed Darajo Xadiis Xasan ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in Muslimka dhib loo gaysto, ama la dhibaateeyo shay arimihiisa ka mida sida Naftiisa, maalkiisa iyo reerkiisa, Qofkii sidaa sameeyana Ilaahay ayaa ka abaal marin kuna ciqaabidoona nooca camalkiisa.
Faa’iidooyin
Waa xaaraan in Muslimka dhib loo gaysto iyo in la dhibaateeyo ee mashaqayo la galiyo.
Ilaahay wuu u aaraa Adoomadiisa. Tixraac
سنن أبي داود (5/ 477) (3635).
سنن الترمذي (3/ 495) (1940).
سنن ابن ماجه (3/ 432) (2342).
مسند أحمد (25/ 34) (15755).
مساوئ الأخلاق، للخرائطي (ص: 274) (583).
توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (7/ 445).
فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 396).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 261).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com