At-Tawba 9:67
التوبةٱلْمُنَـٰفِقُونَ وَٱلْمُنَـٰفِقَـٰتُ بَعْضُهُم مِّنۢ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِٱلْمُنكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ ٱلْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ ۚ نَسُوا۟ ٱللَّهَ فَنَسِيَهُمْ ۗ إِنَّ ٱلْمُنَـٰفِقِينَ هُمُ ٱلْفَـٰسِقُونَ
67. Munaafiqiinta iyo munaafiqaadka way is leeyihiin, waxay amraan xumaanta oo reebaan samaanta, oo laabaan gacmahooda [23]. Waxay illoobeen Alle (macnaha inay camal san fashaan), markaasuu Isaguna iska illoobay (ku dac darreeyey Naarta oo uga tagey). Munaafi-
qiintu waa iyaga kuwa fallaagada ah.
[23]. Diidaan inay wax ku bixiyaan jidka Alle.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net