At-Tawba 9:60
التوبةإِنَّمَا ٱلصَّدَقَـٰتُ لِلْفُقَرَآءِ وَٱلْمَسَـٰكِينِ وَٱلْعَـٰمِلِينَ عَلَيْهَا وَٱلْمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمْ وَفِى ٱلرِّقَابِ وَٱلْغَـٰرِمِينَ وَفِى سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱبْنِ ٱلسَّبِيلِ ۖ فَرِيضَةً مِّنَ ٱللَّهِ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
60. Sadaqooyinka 'Zakada' [21] waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo socotada 'go'doonsan', waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
[21]. Sakada waxay ka daahirsaa qofka bakheylnimada iyo maal jaceylka zaa’idka ah. Waxay kobcisaa tilmaamaha wanaagsan ee la ammaano, oo sidoo kale waxay u kordhisaa maalkooda.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net