U bood nuxurka
Suuradda 9 · Aayadda 38

At-Tawba 9:38

التوبة

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَا لَكُمْ إِذَا قِيلَ لَكُمُ ٱنفِرُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱثَّاقَلْتُمْ إِلَى ٱلْأَرْضِ ۚ أَرَضِيتُم بِٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا مِنَ ٱلْـَٔاخِرَةِ ۚ فَمَا مَتَـٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ

Macne

38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar [13].

[13]. Anas bin Maalik a.k..r waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: “Ma jiro addoon dhinta ayna u taallo Alle agti kheyr oo jecel inuu u soo laabto adduunka iyadoo lagu siinayo adduunka iyo waxa yaal oo dhan marka laga reebo shahiidka, waxa uu arkayo darteed oo fadliga shahaadada ah, wuxuu jecleystaa inuu u soo laabto adduunka si loogu dilo mar kale Dar Alle. W.w Al-Bukhaari.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

At-Tawba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net