U bood nuxurka
Suuradda 9 · Aayadda 37

At-Tawba 9:37

التوبة

إِنَّمَا ٱلنَّسِىٓءُ زِيَادَةٌ فِى ٱلْكُفْرِ ۖ يُضَلُّ بِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُحِلُّونَهُۥ عَامًا وَيُحَرِّمُونَهُۥ عَامًا لِّيُوَاطِـُٔوا۟ عِدَّةَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ فَيُحِلُّوا۟ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ ۚ زُيِّنَ لَهُمْ سُوٓءُ أَعْمَـٰلِهِمْ ۗ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْكَـٰفِرِينَ

Macne

37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah [12]: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.

[12]. Hadday arkaan inay u faa’ido badan tahay inay buriyaan bil caaggan, way sameynayeen, iyagoo yeelayey bil kale halkeeda ay ku dhowraan caagganaanta dagaal gelidda.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

At-Tawba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net