U bood nuxurka
Suuradda 9 · Aayadda 118

At-Tawba 9:118

التوبة

وَعَلَى ٱلثَّلَـٰثَةِ ٱلَّذِينَ خُلِّفُوا۟ حَتَّىٰٓ إِذَا ضَاقَتْ عَلَيْهِمُ ٱلْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ وَضَاقَتْ عَلَيْهِمْ أَنفُسُهُمْ وَظَنُّوٓا۟ أَن لَّا مَلْجَأَ مِنَ ٱللَّهِ إِلَّآ إِلَيْهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ لِيَتُوبُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ

Macne

118. (Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay 'arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii' [41], heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey tawbad san, si ay u tawbad keenaan. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.

[41]. Aayadahani waxay ku soo degeen duullaankii Tabuuk, wuxuuna ahaa waqti aad u kulul, iyo socdaal dheer, waayo Madiina iyo Tabuuk waa kala dheer yihiin marka lug lagu socdo. Seddexdaas nin ee dib ku haray waxay ahaayeen: Kacab bin Maalik, Hilaal bin Umayyah, iyo Muraarah bin Rabiic., waxaana lagu eedeeyey inay ka hareen dagaalkii Tabuuk oo ayan ka soo qayb gelin.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

At-Tawba

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net