At-Tawba 9:112
التوبةٱلتَّـٰٓئِبُونَ ٱلْعَـٰبِدُونَ ٱلْحَـٰمِدُونَ ٱلسَّـٰٓئِحُونَ ٱلرَّٰكِعُونَ ٱلسَّـٰجِدُونَ ٱلْـَٔامِرُونَ بِٱلْمَعْرُوفِ وَٱلنَّاهُونَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَٱلْحَـٰفِظُونَ لِحُدُودِ ٱللَّهِ ۗ وَبَشِّرِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
112. Kuwa tawbad keena, ee caabuda (Alle Keliya), ammaana ee mahdiya, sooma 'ama u baxa diin fidinta', ee rukuuca, ee sujuuda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee dhowra soohdimaha Alle [38]. U bishaaree mu’miniinta.
[38]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Yaa ii ballan qaadaya (dhowrista) waxa labadiisa daan dhexdooda ah (carrabkiisa) iyo waxa labadiisa lugood dhexdooda ah (farjagiisa) waxaan aniguna u ballan qaadayaa Janno”. W.w. Al-Bukhaari.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net