U bood nuxurka
Suuradda 8 · Aayadda 75

Al-Anfaal 8:75

الأنفال

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنۢ بَعْدُ وَهَاجَرُوا۟ وَجَـٰهَدُوا۟ مَعَكُمْ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ مِنكُمْ ۚ وَأُو۟لُوا۟ ٱلْأَرْحَامِ بَعْضُهُمْ أَوْلَىٰ بِبَعْضٍ فِى كِتَـٰبِ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌۢ

Macne

75. Kuwase rumeeyey waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaaday la jirkiin, kuwaa waa idinka mid. Qaraabada baana qaarkoodba ka mudan yahay qaarka kale (is dhaxlidda) sida Kitaabka Alle qoray [23]. Hubaal, Alle wax kasta wuu Ogsoon yahay.

[23]. Xagga dhaxalka. Tani waxay ku gaar tahay oo keliya qaraabada muslimiinta ah. Kuwa aan muslimka ahayn waxaa wax lagu siin karaa saami in loo dardaarmo.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Anfaal

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net