Al-Mumtahana 60:12
الممتحنةيَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِذَا جَآءَكَ ٱلْمُؤْمِنَـٰتُ يُبَايِعْنَكَ عَلَىٰٓ أَن لَّا يُشْرِكْنَ بِٱللَّهِ شَيْـًٔا وَلَا يَسْرِقْنَ وَلَا يَزْنِينَ وَلَا يَقْتُلْنَ أَوْلَـٰدَهُنَّ وَلَا يَأْتِينَ بِبُهْتَـٰنٍ يَفْتَرِينَهُۥ بَيْنَ أَيْدِيهِنَّ وَأَرْجُلِهِنَّ وَلَا يَعْصِينَكَ فِى مَعْرُوفٍ ۙ فَبَايِعْهُنَّ وَٱسْتَغْفِرْ لَهُنَّ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
12. Nabiyow! Markay kuu yimaadaan dumar mu’minooyin ah si ay kuugula ballantamaan inaysan u shariiik yeeleyn waxba la jirka Alle, inaysan wax xadeyn, oo zineysaneyn, oo aysan dileyn carruurtoo- da, oo la imaneyn masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuuran gacmahooda iyo addimadooda [6], kuguna diideyn wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, ugana bari Allaah inuu u denbi dhaafo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
[6]. Waxaa loola jeedaa waxay ku falaan gacmahooda iyo lugahooda oo been abuur iyo massabidasho ah (inay wiil la korsaday aanay dhalin ama zino ku dhashay loogu abtiriyo) haweenta ninkeeda.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net