U bood nuxurka
Suuradda 60 · Aayadda 11

Al-Mumtahana 60:11

الممتحنة

وَإِن فَاتَكُمْ شَىْءٌ مِّنْ أَزْوَٰجِكُمْ إِلَى ٱلْكُفَّارِ فَعَاقَبْتُمْ فَـَٔاتُوا۟ ٱلَّذِينَ ذَهَبَتْ أَزْوَٰجُهُم مِّثْلَ مَآ أَنفَقُوا۟ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ٱلَّذِىٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤْمِنُونَ

Macne

11. Hadday wax ka mid ahi xaasaskiinna idinka aadaan xagga gaalada, markaas guul heshaan iyo qaniimo, siiya kuway xaasaskoodu tageen (oo gaalada ku biireen) wax u dhigma waxay bixiyeen 'oo meher ah' [5]. Alle ka cabsada ee ah Kan aad rumaysan tihiin.

[5]. Waxaa loola jeedaa intaan loo qaybinin qaniimada shan meel, waxaa la siin meherkii ay bixiyeen raggaa dumarkooda riddoobeen oo ka aadeen xagga gaalada.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Mumtahana

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net