Al-An'aam 6:98
الأنعاموَهُوَ ٱلَّذِىٓ أَنشَأَكُم مِّن نَّفْسٍ وَٰحِدَةٍ فَمُسْتَقَرٌّ وَمُسْتَوْدَعٌ ۗ قَدْ فَصَّلْنَا ٱلْـَٔايَـٰتِ لِقَوْمٍ يَفْقَهُونَ
98. (Alle) waa Kan idinka ahaysiiyey naf keliya (Aadam), oo idiin yeelay rug aad degtaan iyo rug kaydin ah [5], waxaan u faahfaahinnay Aayadaha ciddii faham leh.
[5]. Waxay mufasiriinta qaar ku fasireen mustaqir dhabarka aabbaha ay ilmahiisa ku jiraan, mustowdicna ilma galeenka hooyada. Waxaana jira qaar ku fasriay mustaqir dhulka korkiisa uu aadmiga ku nool yahay, mustowdicna dhulka hoostiisa macnaha qabriga markuu qofku dhinto.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net