U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 49

Al-Maaida 5:49

المائدة

وَأَنِ ٱحْكُم بَيْنَهُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَهُمْ وَٱحْذَرْهُمْ أَن يَفْتِنُوكَ عَنۢ بَعْضِ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيْكَ ۖ فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَٱعْلَمْ أَنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُصِيبَهُم بِبَعْضِ ذُنُوبِهِمْ ۗ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلنَّاسِ لَفَـٰسِقُونَ

Macne

49. Ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, hana raacin hawadooda, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah wuxuu Alle kugu soo dejiyey oo Waxyi ah. Hadday jeesadaanna, markaa ogow inuu Alle rabo inuu ku ciqaabo denbiyadooda qaarkood. In badan oo dadka ka mid ahina waa caasiyaal.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net