Al-Maaida 5:48
المائدةوَأَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلْكِتَـٰبَ بِٱلْحَقِّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ ٱلْكِتَـٰبِ وَمُهَيْمِنًا عَلَيْهِ ۖ فَٱحْكُم بَيْنَهُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ ۖ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَهُمْ عَمَّا جَآءَكَ مِنَ ٱلْحَقِّ ۚ لِكُلٍّ جَعَلْنَا مِنكُمْ شِرْعَةً وَمِنْهَاجًا ۚ وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَلَـٰكِن لِّيَبْلُوَكُمْ فِى مَآ ءَاتَىٰكُمْ ۖ فَٱسْتَبِقُوا۟ ٱلْخَيْرَٰتِ ۚ إِلَى ٱللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ
48. Waxaana kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) oo Xaq ah isagoo rumeyn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey, hana raacin hawadooda adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay sharci iyo waddo (cad ee diinta). Hadduu doono Alle, wuxuu idin ka yeeli lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, waase si uu idiinku imtixaano wuxuu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi waxaad isku khilaafsaneydeen.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net