U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 33

Al-Maaida 5:33

المائدة

إِنَّمَا جَزَٰٓؤُا۟ ٱلَّذِينَ يُحَارِبُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَسْعَوْنَ فِى ٱلْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوٓا۟ أَوْ يُصَلَّبُوٓا۟ أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَـٰفٍ أَوْ يُنفَوْا۟ مِنَ ٱلْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْىٌ فِى ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ

Macne

33. Jazaha kuwa la dagaallama Alle iyo Rasuulkiisa [9] ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf [10], ama laga fogeeyo arlada. Arrinkani waa dulli ku raaca adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin Cadaab daran.

[9]. Ku qaada dagaal Alle iyo Rasuulkiisa waxaa loola jeedaa kuwa sameeya oo la yimaada fadqallo, fowda, fasahaad iyo argagixin dadka ama khiyaano qaran ama jid gooyo, ama ku soo qaada weerar dawladda islaamka.
[10]. Goynta gacanta midigta iyo lugta bidix, oo hadduu mar kale fasahaadkaa oo kale falo waxaa laga goyn gacanta bidix iyo lugta midig.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net