U bood nuxurka
Suuradda 5 · Aayadda 32

Al-Maaida 5:32

المائدة

مِنْ أَجْلِ ذَٰلِكَ كَتَبْنَا عَلَىٰ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَنَّهُۥ مَن قَتَلَ نَفْسًۢا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِى ٱلْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ ٱلنَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَآ أَحْيَا ٱلنَّاسَ جَمِيعًا ۚ وَلَقَدْ جَآءَتْهُمْ رُسُلُنَا بِٱلْبَيِّنَـٰتِ ثُمَّ إِنَّ كَثِيرًا مِّنْهُم بَعْدَ ذَٰلِكَ فِى ٱلْأَرْضِ لَمُسْرِفُونَ

Macne

32. Sidaas darteed baan ugu qornay Ilmahii Israa’iil (iyo dadkoo dhammi) in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed - waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Qofkii nooleeyana naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan [8]. Waxay Rusushayadii ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay intaas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah ku falaan xadgudub arlada.

[8]. Xukunkan ma khuseeyo Ilmihii Israaill oo keliya, ee waxaa soo galaya dadka oo dhan, wuxuu Alle guddoonshay in qofkii dila nafsad waa sida inuu dilay dadka oo dhammi, qofkiina nooleeya nafsad waa sida inuu nooleeyey dadka oo dhan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Maaida

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net