Al-Maaida 5:2
المائدةيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تُحِلُّوا۟ شَعَـٰٓئِرَ ٱللَّهِ وَلَا ٱلشَّهْرَ ٱلْحَرَامَ وَلَا ٱلْهَدْىَ وَلَا ٱلْقَلَـٰٓئِدَ وَلَآ ءَآمِّينَ ٱلْبَيْتَ ٱلْحَرَامَ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّن رَّبِّهِمْ وَرِضْوَٰنًا ۚ وَإِذَا حَلَلْتُمْ فَٱصْطَادُوا۟ ۚ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَـَٔانُ قَوْمٍ أَن صَدُّوكُمْ عَنِ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ أَن تَعْتَدُوا۟ ۘ وَتَعَاوَنُوا۟ عَلَى ٱلْبِرِّ وَٱلتَّقْوَىٰ ۖ وَلَا تَعَاوَنُوا۟ عَلَى ٱلْإِثْمِ وَٱلْعُدْوَٰنِ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ
2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha banneysan- nina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Alle iyo bil xurmad gaar ah leh midna, hana (ku xadgudbina) hadyiga, iyo xoolaha la luqun xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Beytka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), yeysanna naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Isuguna kaalmeeya sama falka iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isugu kaalmeynina denbiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Alle ka cabsada, hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu Daran yahay.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net