Al-Maaida 5:1
المائدةيَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَوْفُوا۟ بِٱلْعُقُودِ ۚ أُحِلَّتْ لَكُم بَهِيمَةُ ٱلْأَنْعَـٰمِ إِلَّا مَا يُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ غَيْرَ مُحِلِّى ٱلصَّيْدِ وَأَنتُمْ حُرُمٌ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ يَحْكُمُ مَا يُرِيدُ
1. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Oofiya ballamaha [1] aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin (halkan), waana inaydaan banneysaneyn ugaarsiga markaad xidhataan (Xajka ama Cumrada), Alle wuxuu xukumaa wuxuu doono.
[1]. Ballamaha, waxaa halkan loola jeedaa ballanta lala galo Alle, iyo ballamaha dadka dhexdooda ah, cahdiyada la galo, heshiisyada la kala saxiixdo, dhaaraha la maro, xilalka la qaado, iwm waa in aad loo dhowro oo looga run sheego.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net