Al-Fath 48:26
الفتحإِذْ جَعَلَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى قُلُوبِهِمُ ٱلْحَمِيَّةَ حَمِيَّةَ ٱلْجَـٰهِلِيَّةِ فَأَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَعَلَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَأَلْزَمَهُمْ كَلِمَةَ ٱلتَّقْوَىٰ وَكَانُوٓا۟ أَحَقَّ بِهَا وَأَهْلَهَا ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمًا
26. Markuu Alle yeelay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo - ficiladii waqtigii jaahiliyada - Wuxuuse Alle ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waafajiyeyna ku sugnaanta Ereyga dhowrsashada [8], waxayna ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Alle wax walba waa Og yahay.
[8]. Kelmedda taqwada, waxaa loola jeedaa kelmedda Towxiidka, oo ah in Alle loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net