U bood nuxurka
Suuradda 48 · Aayadda 25

Al-Fath 48:25

الفتح

هُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوكُمْ عَنِ ٱلْمَسْجِدِ ٱلْحَرَامِ وَٱلْهَدْىَ مَعْكُوفًا أَن يَبْلُغَ مَحِلَّهُۥ ۚ وَلَوْلَا رِجَالٌ مُّؤْمِنُونَ وَنِسَآءٌ مُّؤْمِنَـٰتٌ لَّمْ تَعْلَمُوهُمْ أَن تَطَـُٔوهُمْ فَتُصِيبَكُم مِّنْهُم مَّعَرَّةٌۢ بِغَيْرِ عِلْمٍ ۖ لِّيُدْخِلَ ٱللَّهُ فِى رَحْمَتِهِۦ مَن يَشَآءُ ۚ لَوْ تَزَيَّلُوا۟ لَعَذَّبْنَا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا

Macne

25. Waa iyaga kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca [7]. Haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogeyn, oo laga yaabo inaad wax yeeshaan, taasoo denbi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Alle wuu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Alle u geliyo Naxariistiisa cidduu doono. Haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan cadaabi laheyn kuwooda gaaloobay cadaab xanuun badan.

[7]. Toddobaatan neef oo geel ah oo loo keenay hadyi ahaan iyo in laga quudiyo fuqarada iyo masaakiinta Xaramka.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Fath

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net