Fussilat 41:47
فصلتإِلَيْهِ يُرَدُّ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ ۚ وَمَا تَخْرُجُ مِن ثَمَرَٰتٍ مِّنْ أَكْمَامِهَا وَمَا تَحْمِلُ مِنْ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلْمِهِۦ ۚ وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ أَيْنَ شُرَكَآءِى قَالُوٓا۟ ءَاذَنَّـٰكَ مَا مِنَّا مِن شَهِيدٍ
47. Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda 'Qiyaame' [16]. Kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, oo ma jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwa aad ila wadaajiseen 'cibaadada' [17]? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).
[16]. Ma jiro axad ogsoon goorta ay dhici doonto Qiyaamaha aan ahayn Allaah.
[17]. Asnaamta waxay ka dhigeen kuwo la shuruko ah ama la siman Alle.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net