Al-Ghaafir 40:67
غافرهُوَ ٱلَّذِى خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ يُخْرِجُكُمْ طِفْلًا ثُمَّ لِتَبْلُغُوٓا۟ أَشُدَّكُمْ ثُمَّ لِتَكُونُوا۟ شُيُوخًا ۚ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ مِن قَبْلُ ۖ وَلِتَبْلُغُوٓا۟ أَجَلًا مُّسَمًّى وَلَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
67. (Alle) waa Kan idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u gaadhaan da'da xooggiinna dhan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, waxaase jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban [13] inaad garataan (inuusan jirin cid kaloo mudan cibaado Isaga Alle mooyaane).
[13]. Waa waqtiga loo qabtay dhimashadiinna.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net