An-Nisaa 4:5
النساءوَلَا تُؤْتُوا۟ ٱلسُّفَهَآءَ أَمْوَٰلَكُمُ ٱلَّتِى جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمْ قِيَـٰمًا وَٱرْزُقُوهُمْ فِيهَا وَٱكْسُوهُمْ وَقُولُوا۟ لَهُمْ قَوْلًا مَّعْرُوفًا
5. Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin [5], kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.
[5]. Makas, waxaa halkan loola jeedaa agoonka aan qaan gaarin ama qofka aan si fiican u maamuli karin maalkiisa. Inkastoo uu yahay maalkooda, Alle wuxuu ka dhigay wadar isagoo ina xusuusinaya in maalka oo dhan uu Isagu yahay kan bixiyey si loogu daryeelo ummadda wadar iyo waaxidba.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net