U bood nuxurka
Suuradda 4 · Aayadda 128

An-Nisaa 4:128

النساء

وَإِنِ ٱمْرَأَةٌ خَافَتْ مِنۢ بَعْلِهَا نُشُوزًا أَوْ إِعْرَاضًا فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَآ أَن يُصْلِحَا بَيْنَهُمَا صُلْحًا ۚ وَٱلصُّلْحُ خَيْرٌ ۗ وَأُحْضِرَتِ ٱلْأَنفُسُ ٱلشُّحَّ ۚ وَإِن تُحْسِنُوا۟ وَتَتَّقُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا

Macne

128. Hadday haweeney ka cabsato fogaansho [51] ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

[51]. Eeg macnaha nushuush ee xagga xaaska sharaxa suuradda An-Nisaa Aayadda 34. Nushuushka ninka waa inuu si qallafsan ula dhaqmo xaaska oo ku adadkaado, iyo inuu diido inuu u tago oo u galmoodo, oo uusan siin masruuf iyo marasho.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Nisaa

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net