An-Nisaa 4:127
النساءوَيَسْتَفْتُونَكَ فِى ٱلنِّسَآءِ ۖ قُلِ ٱللَّهُ يُفْتِيكُمْ فِيهِنَّ وَمَا يُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فِى ٱلْكِتَـٰبِ فِى يَتَـٰمَى ٱلنِّسَآءِ ٱلَّـٰتِى لَا تُؤْتُونَهُنَّ مَا كُتِبَ لَهُنَّ وَتَرْغَبُونَ أَن تَنكِحُوهُنَّ وَٱلْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ ٱلْوِلْدَٰنِ وَأَن تَقُومُوا۟ لِلْيَتَـٰمَىٰ بِٱلْقِسْطِ ۚ وَمَا تَفْعَلُوا۟ مِنْ خَيْرٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِهِۦ عَلِيمًا
127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda [49], iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey [50], xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
[49]. Eeg Suuradda An-Nisaa Aayadda : 3.
[50]. Ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin. Caadada Carabta waagii jaahiliyadda waxay ahayd in waliga uu xaq u leeyahay inuu guursado gabdhaha agoomaha ee mas’uulka uu ka yahay, iyo inuu xaq ku leeyahay maalkooda. Hadday qurxoon tahay wuu guursanayey, si uu wax uga qaato maalkeeda , haddayse fool xun tahay waa uu diidaa inay guursato nin kale si uu u hanto maalkeeda. Aayaddani waxay reebtay arrintaas.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net