Faatir 35:22
فاطروَمَا يَسْتَوِى ٱلْأَحْيَآءُ وَلَا ٱلْأَمْوَٰتُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُسْمِعُ مَن يَشَآءُ ۖ وَمَآ أَنتَ بِمُسْمِعٍ مَّن فِى ٱلْقُبُورِ
22. Ma sinna kuwa nool iyo kuwa meydka ah [5]. Alle Wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono [6], adiguna wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha.
[5]. Waa tusaalaha ay kala leeyihiin mu’minka iyo gaalka, noocyada kala duwan ee gaalnimada iyo iimaanka runta ah, Jannada iyo Naarta, hanuunka iyo habowga.
[6]. Alle wuxuu hanuuniyaa qofkuu doono, oo maqashiiyaa Xaqa qofkuu doono.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net