Faatir 35:13
فاطريُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِى لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ ٱلْمُلْكُ ۚ وَٱلَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ مَا يَمْلِكُونَ مِن قِطْمِيرٍ
13. Wuxuu (Alle) habeenka dhex galiyaa maalinta, maalintana dhex galiyaa habeenka (macnaha kala badiyaa). Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo magacaaban. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isagaa leh Boqortooyada (Runta ah), kuwase aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net