Faatir 35:12
فاطروَمَا يَسْتَوِى ٱلْبَحْرَانِ هَـٰذَا عَذْبٌ فُرَاتٌ سَآئِغٌ شَرَابُهُۥ وَهَـٰذَا مِلْحٌ أُجَاجٌ ۖ وَمِن كُلٍّ تَأْكُلُونَ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُونَ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا ۖ وَتَرَى ٱلْفُلْكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
12. Ma aha isku mid labada badood, mid waa macaan lagu harraad baxo ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, mid walbaana oo ka mid ah waxaad ka cuntaan hilib cusub oo jileec ah (kalluun), oo waxaad kala soo baxdaan (badda) waxyaalo aad qurux u xidhataan. Waxaad arkaysaa doonyaha oo dhex maaxaya badda, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad (Alle) ku mahdisaan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net