Al-Ahzaab 33:51
الأحزابتُرْجِى مَن تَشَآءُ مِنْهُنَّ وَتُـْٔوِىٓ إِلَيْكَ مَن تَشَآءُ ۖ وَمَنِ ٱبْتَغَيْتَ مِمَّنْ عَزَلْتَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكَ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰٓ أَن تَقَرَّ أَعْيُنُهُنَّ وَلَا يَحْزَنَّ وَيَرْضَيْنَ بِمَآ ءَاتَيْتَهُنَّ كُلُّهُنَّ ۚ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا فِى قُلُوبِكُمْ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَلِيمًا
51. Waad dib dhigi kartaa (Nabiyow) tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, waadna soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan dhammaantood waxaad siiso. Alle baa og waxa ku jira quluubtiinna. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad Badan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net