Al-Qasas 28:25
القصصفَجَآءَتْهُ إِحْدَىٰهُمَا تَمْشِى عَلَى ٱسْتِحْيَآءٍ قَالَتْ إِنَّ أَبِى يَدْعُوكَ لِيَجْزِيَكَ أَجْرَ مَا سَقَيْتَ لَنَا ۚ فَلَمَّا جَآءَهُۥ وَقَصَّ عَلَيْهِ ٱلْقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفْ ۖ نَجَوْتَ مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ
25. Markaasaa labadii gabdhood middood u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii darteed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Markuu u yimid [9] oo uga warramay wixii qisooyin dhacay, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.
[9]. Wuxuu ahaa nin saalix ah, aabbaha labadaasi gabdhood la yidhaahdo Shucayb - Jethro.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net