Al-Furqaan 25:45
الفرقانأَلَمْ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيْفَ مَدَّ ٱلظِّلَّ وَلَوْ شَآءَ لَجَعَلَهُۥ سَاكِنًا ثُمَّ جَعَلْنَا ٱلشَّمْسَ عَلَيْهِ دَلِيلًا
45. Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan 'taagan', markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay [21].
[21]. Kaasoo tusineysa jiritaanka hadhka, ama ka yeesha wax u muuqda siyaalo kala duwan. Markaasaan soo qabannaa qabasho qarsoon oo soo ururinnaa oo xaggeenna u soo noqdaa ilaa la waayo hadh oo dhan.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net