U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 64

An-Noor 24:64

النور

أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ قَدْ يَعْلَمُ مَآ أَنتُمْ عَلَيْهِ وَيَوْمَ يُرْجَعُونَ إِلَيْهِ فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا۟ ۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌۢ

Macne

64. Ogaada, hubaal, Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Wuxuu dhab ahaan ogsoon yahay waxaad ku sugan tihiin [40]. Maalintana [41] loo celin Xaggiisa, wuxuu u sheegi waxay faleen. Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.

[40]. Halka aad ku sugan tihiin – gunta iyo ujeeddada aad ka leedihiin camalladiinna ( hadday daacad idinka tahay iyo Dar Alle ama munaafiqnimo) iyo xaaladda nafahiinna ay ku sugan yihiin.
[41]. Macnaha wuxuu sidoo kale u dhacayaa: “Oo ( ha ka digtoonadaan) Maalintaa.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net