U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 63

An-Noor 24:63

النور

لَّا تَجْعَلُوا۟ دُعَآءَ ٱلرَّسُولِ بَيْنَكُمْ كَدُعَآءِ بَعْضِكُم بَعْضًا ۚ قَدْ يَعْلَمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ يَتَسَلَّلُونَ مِنكُمْ لِوَاذًا ۚ فَلْيَحْذَرِ ٱلَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِۦٓ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Macne

63. Ha ka yeelina u yeedhidda Rasuulka (Muxammad) dhexdiinna sida u yeedhidda qaarkiinba qaar. Alle dhab ahaan wuu ogsoon yahay kuwaa dhuunta iyagoo gabban (aan kaa idan qaadan Nabiyow), Ee ha is jiraan kuwaa ka hor yimaada amariiska [38] si ayan ugu dhicin balaayo ama ugu dhicin [39] cadaab xanuun badan.

[38]. Macnaha sidoo kale waxaa weeye dhabbahiisa ama sunnadiisa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la yimaado camal aan ahayn amarkayaga waa lagu soo celin oo lagama aqbalayo.”
[39]. Imtixaan la marsiiyo, musiibooyin ku dhaca, is nac dhexdooda, iyo kala qaybsanaan, dhibaato soo gaadha, gaajo iyo abaaro, iwm.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net