An-Noor 24:30
النورقُل لِّلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا۟ مِنْ أَبْصَـٰرِهِمْ وَيَحْفَظُوا۟ فُرُوجَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَزْكَىٰ لَهُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرٌۢ بِمَا يَصْنَعُونَ
30. Waxaad ku dhahdaa mu’miniinta ha ka laabeen aragyadooda 'xaaraanta' [17], hana ilaashadeen xubnahooda gaarka ah [18], sidaasaa u daahirsan. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxay sameyn.
[17]. Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego.
[18]. Ha ka ilaaliyeen galmo xaaraan ah, iyo inay soo bandhigaan cawradooda, cawrada ninkana waa inta u dhexeysa xuddunta iyo jilibka, oo ha ka xafitaan sidoo kale ficillada aan bannaaneyn (galmooyinka xaaraanta ah).
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net